ATMIS oo xero ku wareejisay SNA
Muqdisho January 22, 2023 (QJ) – Ciidamada midawga Africa ee ATMIS ayaa manta xero ay magaalada Muqdisho ay ka deganayeen ciidamo ka socda dalka Burundi ku wareejiyay ciidamada Soomaaliya.
Qorshaha ciidamada ay xerada ku wareejiyeen ayaa qeyb ka ah hanaanka ciidamada Soomaalidu ay amniga dalka kula wareegayaan Wasiir ku xigeenka Difaaca Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa saxaafada u sheegay in xerada Maslax la dejin doono ciidamao Soomaaliyeed oo dalka uga maqan tababr ciidan.
ATMIS ayaa haatan xeryo kale ku leh gobolada dalka. Ma cada doorka dhabta ah ee ciidamada Africa ee xasilinta dalka, waxaaney aduun badan oo loogu talogalay sugida amniga Soomaaliya ku qaataan ilaalinta goobo cayiman.