ATMIS oo shaacisay qorshaha ciidamo dhimida Soomaaliya
Nairobi February 10, 2024 (QJ) -Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaca ka qaaday in ay kala baxeen 5,000 oo Askari Soomaaliya, islamarkaana ay ku wareejiyeen 13 Saldhig oo Milatari ah Ciidamada amaanka Soomaaliya, taasi oo soo gabagabeysay wajiyadii koowaad iyo labaad ee dhimista ciidamada ATMIS dalka ka jooga.
Taliyayaasha ugu sareeya ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo shir socday afar maalmood u bilowday Khamiistii lasoo dhaafay ayaa shaaca looga qaaday qorshe istiraatijiyadeed oo looga hortagayo Al-Shabaab iyo qorshaha fog ee lagu dhimayo 4,000 oo askari ilaa bisha June.
Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa sheegay in lagu guuleysan doono wajiga saddexaad ee dhimista ciidamada ATMIS, isagoo kula dar daarmay taliyeyaasha ATMIS inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya (SSF) si loo sugo amniga inta lagu guda jiro xilliga kala guurka.
Shir-madaxeedka taliyayaasha ATMIS-ka ayaa la qabtaa saddexdii biloodba mar si loo qorsheeyo ujeedooyinka howlgalka ATMIS.