|

ATMIS oo hanbalyeysay SNA

Muqdisho January 18, 2023 (QJ) -Ergeyga gaarka ah ee madaxa midowga Africa isla markaana ah madaxa ATMIS Maxamed Al-Amiin Souefayaa ciidamada Soomaaliya Soomaaliy ku hanbalyeeyay guulaha ay Al Shabaab kaga saareen degaanada teedsan bartaha Soomaaliya.

“Howlgalka ATMIS waxuu sii wadi doonaa inuu bixiyo taageerada loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya oo ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira” ayuu yiri Danjire Souef oo ah Madaxa howlgalka ciidanka Midowga Afrika ATMIS.

Maxamed Al-Amiin Souefayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan kaalmada ay siiyaan ciidamada Soomaaliya si ay hawsha dalka looga saarayo Al Shabaab u sii wadaan.

“Shabaab way jabeen, inaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed waan sii wadi doonaa inaan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaale” ayuu yiri Madaxa Ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Danjire Souef.

ATMIS ayaan wax gacan ah oo la shaaciyay ka geysan hawlgalada ciidamada Soomaaliya kula dagaalamayaan Al Shabaab, arintaa oo dhalisay isweydiimo la xiriira waxa ay dalka ka qabanayaan.

Comments are closed