Askarigii Weeraray Md. Qabille Oo Awood Wasiir Kaga Muruxsaday Gacanta Ciidanka Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Amray In 24 Saacadood Dib Loogu Soo Qabto
Hargeysa:26-2013 (SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay in Shalay uu amar ku siiyey Ciidammada Amniga inay Afar iyo labaatan saacadood gudahood gacanta ku soo dhigaan Md. Tabaarik Maxamed Ducaale oo ah Ninkii Xabadda ku riday Xil. Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Golaha Wakiillada.
Amarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii uu ka war helay in Dembiilaha oo hore ciidanku u soo qabtay uu haddana dib xorriyaddiisa ugu soo celiyey Amar uu bixiyey Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda Daakhiliga Cabdillaahi Abokor oo isagu Kiiskan Eedaysane ka ah, isaga oo ku sababeeyey sii deyntiisa inay arrinta ku dhamayn doonaan hab-dhaqan beeleed.
Warar Hoose oo soo Gaadhaya Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com ayaa sheegaya in Sarkaal ka mid ah Guddidii Qiimaynta Derejooyinka Ciidammada oo uu weheliyo Suldaan kasoo jeeda gobolka Saaxil ay shalay Madaxweynaha ku booqdeen Qasriga Madaxtooyada, halkaas oo ay xog waran ka siiyeen xaaladda uu marayo kiiskan iyo saamaynta uu leeyahay.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in Labadan xubnood ay Madaxweynaha u faahfaahiyeen Isbedelka ku yimi soo qabashadii Dembiilahan, kaas oo saamayn togan ku yeeshay bulshada dhexdeeda, oo iyagu si weyn uga biyo diiday awooda wasiirku u adeegsaday xubintaas qiraalka ku ah dembiga uu geystay.
Kulankaas ka dib ayaa wararku sheegayaan in Madaxweynaha laftiisa ay ku noqotay arrin adag oo aanu filayn isla markaan aanu ka war qabin, waxaana uu Md. Siilaanyo Hay’addaha Ammaanka ku amray in 24 saacadood gudahood xabsiga lagu soo dhigo Dembiilaha, sidoo kale waxa uu Digniin faray Wasiir ku xigeenka Amniga oo laftiisu Eedaysane ka ah Kiiskan inuu faraha kala baxo, sida ugu dhakhsaha badanna iskaga soo xaadiriyo Madaxtooyadda.
Ciidammada loo xil saaray soo qabashada Ninkaasi oo ay taageerayaan Kuwa Gaarka u tabobaran ee RRU-da loo yaqaan ayaa isla galabnimadiiba u baxay dhinaca degmadda Dacar budhuq oo la sheegay in Eedaysanuhu ku sugan yahay, waxaana la sheegay in ay ilaa xalay ku raad joogeen soo qabashadiisa, inkastoo aanay bartilmaameed rasmi ah oo ay ugu hagaageen jirin.
Arrintan ayaa fadeexad ku ah Xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) gadh wadeenka ka yahay, gaar ahaanna Taliska Ciidammada Booliska oo isagu ah masuulka keli ah ee ay hawshiis tahay inaanu dembiiluhu dib uga bixin gacanta ciidanka.
Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Ciidanka Bilayska ayaa isagu si indho la’aan ah u dafiray in la qabtay ninkaasi isaga oo ku andacooday in ciddii warkaas qortay aanay isaga waxba ka weydiin.
Waxa kale oo ay markhaati ka tahay falalka noocan oo kale ah oo ummadda warwar iyo walaac ku abuuray ay Xukuumaddu ku luminayso Kalsoonidii shacbiga oo iyagu indhaha ku haya god-daloolooyinka, kala daadsanaanta iyo wada shaqayn la’aanta hay’addaha Ammaanka.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com