Askarigii Dilay Usama Bin Laden Oo Noqday Nin Khaarajiyey Dhallinyaro Soomaaliyeed, Sharraxaadna ka Bixiyey Qaabkii Dilka Ben Laden
New York:Nov,07,2014(SDN/QJ)-Wargeyska Waddanka Ingiriiska kasoo baxo ee Daily Mail, ayaa markii ugu horraysay soo bandhigay Magaca Askarigii geystay dilka Hoggaamiyihii dunida loogu doonista Badnaa ee Usama Ben Laden.
Wargeyska ayaa Magaca Askarigaas ku sheegay Rob O’Neill, kaas oo 38-jir ah kana tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykana ee loo yaqaan Navy Seals.
Ninkan oo ka qeybqaatay weerarkii lagu qaaday guriga Osama Binladen uu ka daganaa gobolka Abbottobad ee dalka Pakistan ayaa sharaxay qaabkii uu u dilay Binladen, isagoona sheegay in uu laba xabadood madaxa kaga dhuftay isla markaana uu ku ag dilay sariirtiisa.
Tan iyo markaas kadib Rob O’Neill waxaa loo diri jiray howlgallada halista ah, isagoona ka qeyb qaatay soo furashadii markabka Maersk Alabama oo laga lahaa dalka Mareykanka islamarkaana ay afduubteen budhcad-badeed soomaaliyeed sanadkii 2009-ka
Howlgalka markabkaasi ayaa lagu dilay inta badan kooxihii budhcad-badeeda, iyadoona mid ka mid ah nolol ahaan lagu qabtay islamarkaana uu iminka xabsi daa’in ku xukuman yahay dalka Mareykanka.
SDN/QJ