Askari Muslim ah oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo xasuuq ka geystay xero Texas oo Dil lagu xukumay
Texas Aug 29,2013(SDN)-Xeer beegti ayaa xukun dil ah ku riday askari muslim ah oo xero kutaal dalka Mareykanka sanadii 2009kii ku laayay 13 ruux halka uu 31 kalena ku dhaawacay.
Maj Nidal Xasan ayaa diiday in qareen loo qabto isla markaana aan wax shaleyto ah ka muujin dilkii uu u geystay askar ay ciidamada ka wada tirsanaayeen.
Xaakimkii dhegeysanayay dacwada ayaa isna sheegay in ay tahay in dil lagu fuliyo askariga.
Qoysaskii ay dadkii uu askarigu laayay ayaa soo dhaweeyay goaanka xaakimka iyo xeer beegtida ee dilka ah.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ay tahay haatan in uu sexeexo in Maj Nidal Xasan dilka lagu fuliyo iyo in kale.
Xasan ayaa sheegay in muslim ahaan ay aheyd in uu u aargudo muslimiinta ay ciidamada Mareykanku ku leynayaan dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Waa markii u horeysay oo askari ka tirsan ciidamada oo Muslim ah uu xasuuq noocan oo kale ah u geysto askar ay ciidamada ka wada tirsan yihiin.
SDN-Texas
contact@somalidiasporanews.com