Askari Ka Tirsanaa Ciidanka Booliska Somalia Oo Toogasho ku Laayey Dad Rayid ahaa
Muqdisho:Dec,01,2014(SDN/QJ)-Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Somalia ayaa si layaab leh Toogasho ugu laayey tiro kamid ah Dad rayid ahaa oo ku sugnaa Goobtii uu taagnaa Gudaha Magaalada Muqdisho maalintii shalay.
Askariga oo loo malaynayo inuu cabsanaa ayaa dilay ku dhawaad saddex ruux oo rayid ahaa kuwaasi oo ku sugnaa xaafada Taleex ee degmada Hodon ee gobolka Banaadir.
Dadka dilka loo geystay oo ahaa dad goobo kala duwan ku sugnaa ayaa waxay ahaayeen dhamaantood rag, waxaana kadib la qabtay askarigii dilka geystay oo loo taxaabay Xabsiga.
Sidoo kale Askarigani waxa uu dhaawacay Hal qof oo kale Kaas oo ilaa haatan cisbitaalka u jiifa dhibtii soo gaadhay.
Saraakiisha amaanka ee degmada Hodon ayaa markii dambe gaadhay goobta falka uu ka dhacay ,kadibna gacanta ku dhigay ruuxaasi.
Shacabka reer Muqdisho ayaa sas iyo baqdin badan ka qaaday arrintan, waxana ay muujiyeen sida ay uga shakisan yihiin halista ka imanaysa Ciidanka Ammaanka oo keenaya waxyaabo nabadgelyada ka dhan ah.
Magaalada Muqdisho waxa si joogto ah loogu isticmaalaa daroogada kala duwan, waxana ciidamada ammaankooda qaarkood ka qaybqaataan cabitaanka maandooriyahaas, taas oo marka dambe keentay in ammaanku xumaado.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com