|

Askari ka Tirsan Waaxda Cashuuraha Beriga ee Laascaanood oo Koox Hubaysani dileen iyo Rabshado ka dhashay

Laascaanood 02.Dec 2014 (SDN/QJ)- Maleeshiyo hubeysan ayaa xalay dilay askari ka tirsan waaxda canshuuraha ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, taasoo sababtay rabshado maanta ka dhacay magaalada.

Taliyaha Booliska ee gobolka Sool Cabdiraxmaan Col-haye ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaan la xidhiidha  ciddii ka dambeysay dilka.

Boqollaal qof oo  cadhaysan  ayaa rabshado ka sameeyay magaalada, iyagoo gubayay taayarro, waxeyna isku dayeen inay xidhaan goobaha ganacsi ee magaalada.

Cabdiqani Aw Daahir oo ah masuul ka tirsan shirkadda Dahabshiil qeybteeda Laascaanood ayaa u sheegay  in dadka rabshadaha sameynayay ay waxyeello gaadhsiiyeen dhismaha shirkadda.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay cadhada dadka, balse waxaa la sheegayaa inay ka gadoodsanaayeen , falka dilka ah iyo ciidanka booliska oo diiday in meydka marxuumka ay ku wareejiyaan ehelkiisa, taasoo ciidanka ay ku sababayeen baadhitaan ay ku sameynayaan meydka.

Laascaanood SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed