|

Askari ka Tirsan Ciidanka Asluubta Oo Xalay Hargeysa Ku Dhex Dilay Nin Rayid ah

Hargaysa:June,11,2014(SDN/QJ)-Warar Kooban  ayaa ka soo baxaya Dil Habeenkii xalay ka dhacay Agagaarka Jeelka Wey nee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu mid ka tirsan ciidanka Ilaalada Jeelku dil u Geystay Marxuum kale oo ku sugnaa Meel aan disaas uga Fogayn Xarunta Jeelka.

asilDilkan ayaa ku dhacay Marxuum aan magaciisa si sax ah wali loo haynin, waxana la xaqiijiyey inuu Geystay  mid kamid ah Ciidanka Asluubta, iyadoo marxuumkana lagu Dilay Xagga dambe ee Jeelka Hargeysa.

Marxuumka dhintay ayaa magaciisa kaliya lagu sheegay Looyar, waxana warar kala duwan ka soo baxayaan  sababta dhimashadiisa keentay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka dhintay loo dilay si kas ah, halka warar kale oo soo baxayaana sheegayaan in xabaddu ku qaraxday oo aan si badheedh  ah loo dilin.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in marxuumka dhintay uu hore uga tirsanaan jirey Ciidanka Asluubta oo uu muddo hore ka Baxay, waxana dhaawaciisa loola cararay Cisbitaalka oo uu markii dambe ku Geeriyooday.

Askariga dilka Geystay  oo aan magaciisa la helin wali ayaa la sheegayaa in gacanta lagu dhigay oo uu Haatan xidhan yahay, lamana Hayo warli warar intaas ka faahfaahsan oo soo baxay.

Jeelka Wey nee Hargeysa oo ay ku xidhan yihiin maxaabiis dambiyo culculus loo Haysto, ayaa muddo bilo ka hor ah wax aka dhacay dilal ay qar ka mid ah maxaabiistu u geysteen askar ilaalo ahayd, waxana aan wali natiijo laga soo saarin sababtii ay dhibkaasi ku dhacday.

 

SND/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed