|

Askar ka Tirsanaa Ciidamada Somalia oo Xukunno dil ah lagu fuliyay

11 March 2014 (SDN)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saakay xukunno dil ah ku fulisay saddex askari oo ka kala tirsanaa ciidanka milateriga iyo kuwa dowladda hoose ee Muqdisho.

Xukunkan dilka ah ayaa ka dhacay Iskool bulusiyo iyadoo ay ku sugnaayeen goobta saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga, booliiska iyo mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir.

Askartan la toogtay ayaa waxaa horay loogu helay inay dilal geysteen, iyadoo lab aka mid ah askartan ay ahaayeen milateri halka mid kalena uu ka tirsanaa ciidanka dowladda hoose ee minishiibiyada loo yaqaan.

Saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in askartan horay ay ugu xukumeen dil toogasho, kaddib markii lagu helay inay si kala gooni-gooni ah dilal u geysteen, iyagana maanta la qisaasay.

Goobta ay toogashadu ka dhacaysay ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne fara badan si ay u daawadaan habka qiyaasta loo sameynayo, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada xoogga dalka ay toogasho ku fuliso askar la sheegay inay horay dilal u geysteen.

Muqdisho SDN.

Comments are closed