|

Askar Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Lagu Laayey Deegaanno Hoos Yimaadda Gobolka Bari

Isku-shuban:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Laba ka mid ah ciidanka  Puntalnd ayaa Maalintii shalay lagu dilay deegaanka Isku-shuban ee Gobolka Bari, iyadoo dilkaas ay geysteen Kooxo Hubaysani.

askari dhintayTaliyaha Booliska ee Gobolka Bari Col. C/xakiin Yuusuf Xuseen, ayaa xaqiijiyay Dilka Askarta, waxaana uu tilmaamay in Labada skari ay kamid ahaayeen Ciidan Illaalo u ahaa Odayaal Degmada Iskushuban u joogay  Waan-waan ay ka dhex wadaan Beelo ay xurgufi u dhaxeyso.

“Labada Askari waxaa Toogtay Koox Bastoolado ku hubaysanaa xilli ay Goob ku taalla Degmada badhtamaheeda fadhiyeen, waxaana sidoo kale Rasaastii lagu dilay ku dhaawacmay Hal Ruux oo Rayid ah, Labada Askari waxa ay la socdeen Wafdi Odayaal ah oo dhawaan Degmada yimid” ayuu yidhi Col. C/xakiin Yuusuf Xuseen.

Waxa uu sheegay in Labada Askari ay ka kala tirsanaayeen Ciidanka Daraawiishta & PIS-ta, waxay Illaalo u ahaayeen Odayaal ka yimid Boosaaso, una tagay Degmada Iskushuban xalinta Beelo degmada.

Dadka dilkan geystay ayaa loo malaynayaa inay ka tirsan yihiin kooxaha Al-shabaab oo deegaankaas ku laaya ciidamda Puntland, balse Dawladdu wali kama ay hadlin  sababta keentay in ciidankani dhintaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed