Asakri Shabaab la shaqeeyay oo dil lagu xikumay
Muqdisho January 12, 2023 (QJ) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa manta dil toogasho ku riday Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, kaasi oo lagu helay dambi ah inuu gacan ka geystay qaraxyo iyo dilal ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Dhamme Shariif loo soo qabtay laguna cadeedayay inuu Muqdisho soo geliyey gawaari qaraxyo looga fuliyay dhowr goobood oo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen Village Hotel, Restaurant Afar, Baar Italia, agagaarka Mall-ka Xamar-weyne, Maqaayadda Cagaweyne, Ex Bilsan Restaurant, iyo goobo kale.
Maxkamada ayaa sheegtay in weeraradaas ay ku dhinteen illaa 27 ruux oo shacab ahaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa sheegtay inay ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle dil toogasha ah, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.