“Arrinta Laga Soo Weriyay Wikileakas ee Sheegaysa In Wasiirro Xukuumadda Ka Tirsanaa Ay Galeen Heshiisyo Somaliland Ka Dhigaya…” Xasan Ciise Jaamac
Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ) :- Madaxweyne Kuxigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Warka sirta ah ee ay baahisay Shabakada Wikileaks ee sheegaya in Somaliland lagu daray Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay haddii ay arrintaasi rumowdo inay tahay Khiyaamo qaran tii ugu weynayd ee waddanka soo marta.
Mujaahid Xasan Ciise waxa uu ka codsaday Baarlamaanka Somaliland inay soo xaqiijiyaan waxa ka jira arrintan.
Sidaa waxa uu Mujaahid Xasan Ciise ku sheegay Warsaxafadeed uu soo saaray kaas oo u dhignaa sidan:-
“Arinta lagasoo weriyay wikileakes ee sheegaysa in wasiiro ka tirsanaa xukuumada Somaliland ay galeen heshiisyo Somaliland ka dhigayaa gobal ka tirsan nidaamka fadaraalka ee Somalia, haddii ay rumowdo, waxa weeye khiyaamo qaran tii ugu darayd ee waddankan soo marta intii la soo celiyay madax-banaanida Somaliland tan iyo may 1991.
Waxaa layaabka leh in eed itaas le’eg aanay ilaa imika xukumada Somaliland ka soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo dadka u caddaynaya sida ay wax u jiraan!
Culayska ay arintani leedahay awgeed iyo sida ay xukuumadani uga aamustay waxay lama huraan ka dhigayaan in si deg dega la isugu yeedho Baarlamaanka ooy fadhi qayru caadiya isugu yimaadaan.
Baarlamaanku waa in uu sugaa sida ay arintani wax uga jiraan kana joojiyaan xukuumada wax kasta oo kale inta arintan gunteeda la soo xaadhayo. haddii arintani sugnaato waa in la isugu yimaado shir qaran oo go’aanka ku haboon lagu qabto, maxkamad gaar ahna lagu saaro cida ay khusayso.”
Hargaysa SDN/QJ