|

Arrinta la leeyahay mas’uuliyiin ayaa Ingiriiska laga ashkateeyey

Waxaa ayaamahan laysla dhexmarayey arrin la leeyahay mas’uuliin ka tirsan dawladda Somaliland ayaa laga ashkateeyey wasaaradda arrimaha dibedda ee Ingiriiska (FCO). Kadib markii laba nin oo reer Somaliland ah oo london ku sugan arrinta sheegeen iyagoo soo geliyey muqaal (video) mareegaha wararka laga akhristo iyo baraha bulshadu isku waraysatto (social media).

Waxaa ii suurta gashay inaan xalay daawado muuqaalkaas. Wuxuu igu noqday u qaadan waa oo aan la yaabay waxa la isla dhex marayey ee la rumaystay inuu ahaa wax macmal ah (fake) ??

Markaan muuqaalkaas iyo sawirada la socday aad uga baarandegay waxaa ii soo baxay  arrimahan:

1-Inaan goobtu ahayn wasaaradda arrimaha debedda (FCO) waayo sida ay u dhisanhtahay iyada oo quruxdeeda loo daawasho tago oo maalin walba oo Sabtida ahdadweynaha loo sii daayo si ay u daawadaan iyo muuqaalka layna tusay oo u ug  xarumaha ay badanaa dadka Soomaaliyeed maamulaan ( community centres). Waxaa halkan ka muuqada gidaarka oo madmadaw badan leh waxa loo yaqaanno halkan Ingiriiska ( mould and damp) oo lagu yaqaan gurayaha aan dayac tirka lahayn ee dadka saboolka ahi ku noolyihiin.

2-Dadka meesha ka muuqda ee caddaanka qaar ahaayeen, qaarna Eeshiyanka ( Asian)   u ekaayeen kama muuqan (body language) kkdu dad leh  xirfad diplomaasi ama habka lagu yaqaano shaqaalaha wasaaradda arrimaha debadda oo u badan khubaro adduunka wax kala socda. Waxaan is idhi waa dad soo booqday xarunta ay raggaasi maamulaan.

3- Astaanta (logo ) ay wasaaradda arrimaha dibaddu leedahay waxaa layna tusay iyada oo keligeed ah , yacni la inama tusin gidaar ama meel ay ku qoran tahay. Waxay ahayd inay isku sawriaan xarrunta iyadoo ay astaantu muuqato si ay caddeeyaan inay goobtaas joogeen.

4- Suuradda dhawrka dabaq ah ee la ina tusay , waxay ku jirtaa ‘  Google images’. Waana suurad ku jirta war ay soo saartay jariidada ‘ The Telegraph’ ee waddanka Ingiriiska ka soo baxday sanandkii 2011.  Halkan ayaad ka arki kartaan. Bal isu eega dadka daabaqa labaad jooga.

http://blogs.telegraph.co.uk/news/peteroborne/100103645/after-years-of-shameful-neglect-william-hague-has-restored-the-foreign-office-to-its-proper-dignity/

Halkan waxaad ka daawan kartaan muuqaal labada nin soo gudbiyeen :

http://salaanmedia.com/?p=89660

Waxaa xusuus mudan in  wax laga ogaado nidaamka waddanka Inigriisku u shaqeeyo.
Wixii ku saabsan lacago waddanka laga musqmaasaqay (fraud) waxaa ku shuqul leh ha’yad u khaas ( waan ka cudur daaranyaa inaan magaceeda sheego) , wixii ku saabsan deganaanshaha waddanka waad garanyasaan cidda ku shuqul ayaan u malaynayaa, wixii ku saabsan cashuurta oo lala baxsado ( tax evasion) ama la bixin waayo waxaa ku shuqul leh hay’adda (….). Intaas oo arrimood ayaa ku jirtey hadalada labada nine e odayaasha ah. Hadaba wasaaradda arrimaha dibaddu laba sifo ayay ula dhaqantaa muwaadineenta UK. Ta koowawaad, haddii qof sitaa baasaboorka waddanak dhibaato  ku qabsato waddan dibedda ah , waxaa lala xidhiidhaa safaaradda ama qunsuliyadda waddankaas u fadhida ama waddanka ugu  dhow u joogta. Ta labaad , waa haddii aan marka hore safaaradda waddankaasu ogayn  qofka dhibaatu haysatto, ka dib dadkii ay qofka  is xigeen ee halkan ku sugan ( UK ) ay ogaysiiyaan si ay u gaadhsiiso safaaradda ama safiirka u metalayaa waddankaas. Sifo kale oo ay dad ula xidhiidhi karaan wasaaradda  aad bay u yartahay.

Arrinta labada oday ku dhaqaaqeen waxay ka turjumaysaa halka aynu marayno haddaynu nahay bulshada Somaliland ee qurbaha ku nool. Waxay arrintuna inoo furaysaa haddaynaan soo afjarin oo ka digtoonaan inaynu is baacsano oo is fadeexadaynno oo kii wax yar ku ogaada mid kale  sifadaas ula dhaqmo. Waxaa dhexdeena caan ka ahaa marka qaarkeen arrimo siyaasadeed isku hayaan inay dhexdooda ka loolatamaan oo  wax walba iskula hadlaan xukunkana kala dhacsadaan iyagan isku talax tegayn oo dhaawac nafsi ah oo dheeraada isku samaynayn. Waxaana  inaga caaganaa inaan isu adeegsanno dad ajnebi ah, waa dhaqan ugub ah.

Waxaan kale oo cambaaraynayaa iyana  qaar ka mid ah shabakada wararka ee Somaliland inay soo bandhigaan warwar fadeexadaynaa labada nin mid ka mid ah oo ku tilmamay inuu lacag Inigiriiska ka dhacay . Iyana waxay la mid tahay taas ay sameeyeen oo kale.  Habdhaqanka labada nin arrintan sameeyey inaksta oo ay  macmal tahay misna waxaa la odhan karaa haddii ay kari karayaan arrintaas waa samayn lahaayeen. Waxaan rajaynayaa inayna arrintanu  dhaafsiisnayn gorgortan ay dawladda manaasib kaga doonayaan. Waxaaba iska yar inuu jiro xubno Somaliland ah oo sidaas wax ugu sheegi kara ama gaadhsiin kara  wasaaraddas iyo qaar la mid ahaa? Haddii ay dhab tahay icitraaf ayay Somaliland u keeni lahaayeen!

 

Wabillaahi tawfiiq

Maxamuud Yare
UK

Comments are closed