|

Arrimaha Ugu Weyn ee lagaga Hadlay Shirkii Kowaad ee Golaha Wasiirada ee Punt land Daawo

Garowe 10.Feb 2014 (SDN)- Shirka gollaha wasiiradda xukumadda Puntland ayaa maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyada waxaana goob joog ahaa madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo shirka gollaha wasiiradda ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay bishii kowaad ee sanadkaan inuu baxshay mushaharka shaqalaha iyo ciidanka qalabka sida.

Waxa kale uu sheegay inay u baahan yihiin fursad ay ku shaqeeyaan sidaasi darteedna laga joojiyo booqashada tiradda badan ee loogu imaanayo.

”Waxaan rabnaa in fursad naloo siiyo in aan shaqo bilowno dadkana u shaqayno oo aan waqtigana nalooga qaadin booqasho iyo qaabilaad,wasaaridihii way shaqo bilaabeen qofkii markaa dan leh isagu ha aado wasaaradii dantiisu qusaysay” Dr.Gaas ayaa yiri.

Arrimaha kale uu Dr.Gaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa inaan loo dulqaadan doonin hantida dowladda oo dad gaar ah si khaldan u isticmaalaan.

Warbaahinta ayaa su’aalo ka waydiiyay inuu kulamo Muqdisho kula soo qaatay madaxda DFS wuxuna sheegay Muqdisho inay aaska RW hore uga qayb galleen isla markasna uusan jirin shir uu si gaar ah madaxda DF ula qaatay.

Waa shirkii ugu horeeyay ee gollaha wasiiradda Puntland ay maanta yeeshaan tan iyo markii xilka loo doortay Gaas iyo Cabdixakiin Camay.

IMG_0557 IMG_0569 IMG_0588 IMG_0592 IMG_0594 IMG_0597 IMG_0599 IMG_0608 IMG_0612w

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed