HARGAYSI WAXAY SOMALILAND DHEX MARTAY MARKAY CAASIMADII NOQOTAY, WAXAANA JIRA (UNIVERSAL PRINCIPALS)
Anigoo ah muwadiin somalilander ah una dhashay , gaar ahaana ka soo jeeda dadka ku abtirsada caasimada hargaysa ,waxaan si kalsooni ku jirto u soo dhawaynayaa dhamaan murashaxiinta ka sharaxan casimada hargaysa madama uu jiro aadunkana lagaga dhaqmo xeerar caalamiya oo dhigayaa (universal principals ) in caasimada loo simaan yahay ,madama dhamaan muwadiniinta jamuuriyadu majooratigoodu ay ku nool yihiin casimada ,hadaan tusaale gaaban bixiyo dalalka yurub ,waad ogtahay dadkii reer Somaliland ee u qaxay yurub dhawr iyo toban sano ka hor ama labaataneeyo sano ka hor in ay ka mid noqdeen , goleyaasha degaanka casimado dalala badan oo yurub ah iyo waliba barlamaanka , hadaba ninkastoo Somaliland ah waxaa jira wax u fasaxaaya , u tartanka doorashada golaha degaanka ee casimada
hadaynu hargaysa gaar u sheeganayno waa inaaynu soo ban dhignaa
- Qodob sharciya oo wadanku lee yahay oo casimada kaga duwan tahay ,sida aduunyada oo dhami ku dhaqanto, oo diidaya dadka gobolada kale ku dhaqan in ay iska sharaxi karaan
- Waa in aynu ku dhaqana sida adunyadu ugu dhaqanto ,shurucda casimadahooda
- Waa in aynu sugnaa waxii doorkan ka danbeeya inta barlamaanku ansixin doono shurucda ,kala xadaynta degmooyinka iyo gobolada iyo casimada laakiin madama wax la tixraaca anay jirin si caalamiya loo dhaqmo ,
- Waxaa kaloo tala bixin iga ah hadaynu nidhahno hargaysi casimad maha ,inagoo ujeedadeena ka danbaysaa ay tahay yaan cidkale iska soo sharaxiin casimada ,taa macnaheedu waxaay noqonaysaa ,casimadu waa muqdisho ,
Waxaa kaloo iga xasuusina in ay noqonayso dadkoo casimada loo diida cado danboo lala soo baxay wakhtigii dawladihii hore ee somaliya ,waxaa jiray dad u dhashay gobolka ogaadeeniya oo ka mid noqday golaha deeganka hargaysa ,
Markaas walaalayaal dib aynu u xisaabtano cunsiriyaduna ma fiicna, halgaankii SNM na kumu salaysnayn sidaas oo kale waxa uu ahaa mid dhimashada wadanka loo sinaa, oo inaankii burco u dhashay lagu aasayey maydkiisa hargaysa kii hargaysa u dhashayna wuxuu ku dhintay degmada berbera
Waxa kaloo talo bixin iga ah ninka hargaysa degaankeda sheeganaya ee leh aniga wada dega , maxaa walaaca keenay?
dee awoodada cod ahaaned ku maquuni , ooku reeb kan aad leedahay deegan ma tihiid , markaas ayaad helaysaa marag cad in intii codka ku hadhay anay ahayn deegan rasmiya , oo lagaga awood badan yahaya degmada ( awoodu waa codka ,maha ii daya kaligay)
Qalinkii iyo maskaxdii; Cabdilahi Cismaan Cabdi ( Cabdilahi Gadhle )