ARDAYDA WAXKABARATA DALKA UGANDHA IYO JALLIYADA DALKAAS OO BOGAADIYEY MUSHARAXA MADAXWEYNE KUXIGENKA XISBIGA UCID Pro C/Rashid Xasan Mataan War-murtiyeedkiisi Xambaarsana Fariimaha badan
(Kampala SDN) Waxa mar ay nala soo xidhiidhen qaybaha kala duwan bulshada reer somaliland ee dalka ugandha ay bogaadin iyo hanbalyo uu direen musharaxa madaxweyne kuxigenka xisbiga ucid Pro C/Rashid Xasan Mataan,taas oo sida ay nagu soo gadhsiiyen ku sheegen in si lexjeclo iyo muwaadinimo masuulyaad garasho fog ula hadlay una kala diray Dardaaran Ku Socda Xukuumada, Prof. Samatar Iyo Shacabka Xariirta Ah Ee Somaliland ayey yidhaaden waxa naga mudan yhy hadaanu nahay bulshada ku dhaqan dalka ugandha inanau ku bogaadino sida haboon uu uga hadlay arimaha dhagti maqasha ku farxayso waxaan leenahy hanbalyo mudane.
Waxaana baaqan oo ay soo gadhsiiyen xafiiska shabakada caalamiga ah SDN xafiiskeeda dalka ugandha dirayey .
ABDI RAXMAN AHMED ALI
ABDI FATAX MOHAMED BARUD
MOHAMED AYAH ABDI SHAKUR
ABDI RAXMAAN FUAAD YUSUF( XAYDH)
Jacfar ali hooto
Abdi risaaq muuse ahmed
QANI MOHAMED NOUR (BITIJOOR
ABDI RISAAQ MOHAMED DAUUD( SHEEKO)
KHALID AHMED CADAAWE
MOHAMED DHOLA YARE AHMED
MOHAMED ABDI DAHIR
MUSTAFE ISMAIL ABDI
SULDAN OSMAN GUURE
BARE AADAN MACALIN MOHAMED
ABDI WAHAB MOHAMED NOUR( BITIJOOR)
Abdi casiis base xaji baashe xaji badi xusen abdi warabe
MADOOBE ABDI QANI X
LIIBAN AHMED ABDI
SICIID MOHAMED OSMAN
MOHAMED AWIL
NASIR ALI KABDHE
MOHAMUD OSMAN AHMED ABDI
SAED XIIS WARSAME
XUSEN MOHAMED NOUR
MOHAMED AHMED
IBRAHIM CADARE ABDI LAAHI
XUSEN MAYGAAG
TIRIKE RAAN
MUKHTAR ALI CUMAR
MOHAMED JAMAC XUSEIN SAED ALI
ABDI RASHID OSMAN AMAAAN
ABDI FATAX WARSAME
JAMAAL JAMAAC IIMAN
WARSAME ahmed Mohamed
Abdi risaaq Abdi rahama osman
Ismail bidhan Mohamud
abdi rahamn digaale
Jamaal jama imaan
Nasrudiin Ibrahim
AHMED ABDI TIRIKE RAAN
SAED XIIS WARSAME
XUSEN MOHAMED NOUR
AHMED MOHAMED JAMAC
IBRAHIM CADARE ABDI LAAHI
XUSEN MAYGAAG
MUKHTAR ALI CUMAR
XUSEIN ABDI§
SAED ALI WARSAME
ahmed warsame nour
ABDI RASHID OSMAN AMAAAN
ABDI FATAX WARSAME.
Hadabo qudbada dhinacyada badan taabanaysay ee musharaxa madaxweynaha ucid uu dhigna sida tan la dhugta!!
War-murtiyeed Xambaarsan Fariimo Iyo Dardaaran Ku Socda Xukuumada, Prof. Samatar Iyo Shacabka Xariirta Ah Ee Somaliland. By C/Rashid Xasan Mataan.
(KampalaTHN) Waxaynu ka warqabnaa in uu dhamaaday usbuucii koowaad ee Booqashadii ay xukuumaddu ku soo casuumtay Prof. Samatar. Waxaan shaki ku jirin quwadda iyo kharashka ay gelisay xukuumaddu sidii loo soo dhowayn lahaa iyadoo la kaashanayo dareenka shacabka ee ah inay uga hiiliyaan Prof Samatar wajigabixii kaga dhacay doorashadii MUQDISHO.
Haddaba hadii aan dib u jeleecay dareenadii iyo hadaladii isweydaaranayey ee ka soo baxayey kulamadii uu Prof. Samatar ku qaabileyey shacabka usbuucii aynu soo dhaafnay laga bilaablo Hargeisa ilaa Boorama, waxaan dareemay inay lagama maarmaan tahay inaan gudbiyo fariintan iyo dardaarankan aan ukala dirayo XUKUUMADDA, Prof. Samatar & guud ahaan Sacabka S/land.
Xukuumadda waxaan leeyahay, waad ku mahadsantihiin inaad soo dhowaysaan shakhsi kasta oo u dhashay S/Land oo inaga maqnaa inuu qayb ka noqdo halganka aynu ugu jirno dhismaha Qaranimada S/land, laakiin waa in aan-la-iska indho tirin hubsashada shakhsiga aynu soo dhowaynayno iyo waxa uu ka aaminsanyahay Jiritaanka iyo Qaranimada S/Land.
Waxa ka muuqda usbuuca uu joogay Prof. Samatar in aanu caddayn mawqifkiisa, waxa kale oo muuqda raxan wasiiro ah oo daba guuraysa goobkasta oo lagu qaabilayo, waxa kale oo muuqata Samatar oo ay ka baxayaan afkiisa, sida uu u yaraysanayo shacabkan xalaasha ah iyo astaanta qaranka uguna durayo ereyo guudmar ah oo u badan dhaliilo, oo u eg in lagu niyad jabinayo shacabka; Waxan kula dardaarmayaa xukuumaddu in aanay yaraysan dareenka shacabka, ee ay caddayso barnaamijkeeda ay ku soo casuumtay Samatar, si looga hortago faham xumo ka dhalata safarkan kormeerka ah oo usbuucii u horeeyeyba ay ku gedaaman yihiin dareenadaa aan wanaagsanayni.
Fariinta Shacabka: Waxan halkan ku hambalyaynayaa Shacabka gobta ah ee abti iyo adeer leh ee muujiyey inay ugu hiiliyaan Samatar muujiyaana inuu ka soo jeedo Somaaliland si ay uga maydhaan wixii kaga dhacay MUQDISHO, sidii uu xusay Suldaan Saleebaan Cali markii u ku soo dhawaynayey Boorama. Waxa iyana xusid mudan shacabkii Hargeisa, kuwii gabiley iyo kuwa boorama intuba u muujiyeen in uu yahay qof u dhashay S/land dhulkiisiina yimi.
Waxaa xaqiiq ah in soodhawayntaa shacabku ku timi dareenka loo qabo iyo karaamada ay ku leeyihiin beelaha uu kasoo jeedo Samatar bulsho waynta S/LAND, waanan uga mahadcelinayaa bulshada S/land dareenkoodaa.
Waxan leeyahay Shacabyohow idinkaa dhistay nabadda iyo dawladnimada, dildilaaca ka muuqda S/Land ee soo kordhaya muddadi ay talada haysay xukuumadda Kulmiye idinka ayuunbaa sixi kara, idinka ayaana dildilaacaa toltolanaya waayo awalba kamaydaan sugaynin cid safar idiinku timaad inay masiirkiina wax ka beddesho, tabashadiinana wax ka qabato. Go’aanka shacabka S/Land na waa mid cid qarin kartaa aanay jirin, laguna gaadhi doono Ictiraaf dhaba Insha allaahu.
Prof Samatar waxan leeyahay: Waan kuu hambalyaynayaa inaad u soo noqoto dadkaagii iyo ehelkaagii aad ka indho taagaysay in badan, dhibaato badan oo ay soo mareen soddonkii sano ee la soo dhaafay oo waxtar iska daayoo aanad haba yaraatee xataa dareen ku lahayn, haddana abti iyo adeer, saaxiib iyo sokeeye aad ayaa laguu ciseeyey adigaana qiray inaanad mutaysan soo dhowayntaa.
Waxan aad u dhuuxayey kulamadaadii iyo hadaladii aad ka jeedinaysay goobihii laguugu diyaariyey inaad kula kulanto shacabka maalmahan u horeeyey ee safarkaaga S/Land, waxaanan soo qaadan ereyadaadii qaar ka mida iyo dareenada ay leeyihiin:
1. S/Land Waxay qabsatay inaan wax ugu daro mooye waxba ka ridi maayo. Waa hadal fiican, waxtarku ha dambeeyee, waxaad ilowday marka hore inaad apology ka bixiso hagardaamadii aad geysateen adiga iyo walaalkaa Cabdi, kadibna aad shacabka u balan qaado in aanay dib dame u dhici doonin. Shacabka S/Land wa shacab xisaabtama, ha u qaadan in shacaku yahay xubnaha xukuumadda ee ku soo casuumay oo qudha. Shacabku marna ma ilaawayo dhacdadii ugu mudnayd ee ka dhacday aqalka baarlamaanka ingiriiska oo uu M/Weynihii S/Land Mudane Daahir Riyaale Kaahin marti ugu ahaa dawladda ingiriis oo lagu casuumay in uu dareenka shacabka S/Land gaadhsiiyo mudanayaasha Ingiriiska, halkaas oo aad kaga soo duusheen Maraykan si aad u carqaladaysaan qadiyadda uu difaacayey ee S/land isagoo ah M/Weynihii dalka, idinka oo aan waxba xeerinaynin.
2. Qudbadahaaga waxa ku jiray oo aad si weyn uga hadashay sida dawlad loo dhiso iyo waxyaabaha ay dawladi wanaagsani ku dhisanto. Dadku aad ayay ugu riyaaqeen, waayo xilliga aad ku soo begantay waa xili ay aad iyo aad ugu dhaliilsan yihiin xukuumadda talada haysa waqtigan. Haddaba waxan kugula talin lahaa shacabku way ogyihiin dhaliilahaa eh, inaad xukuumadda ku soo casuumtay u sheegto sidii ay wax u hagaajin lahaayeen, laakiin aanad sii balaadhin dildilaacaa.
3. Waxaad sharxaysay hoggaanka wanaagsan in uu ku dhisnaado caddaalad iyo sinaan, waxaan ka waayey qudbadahaagaa ereyga ah in uu hoggaamiyuhu noqdo daacad. Daacadnimaduna waa qodobka ugu muhiimsan nolosha, daacadnimo na waxa ugu mudan ta ilaahay daacad loo noqdo. Waxan kugula dardaarmi lahaa inaad aqoontaada maadiga ah ku darsato ta caqiidada islaamka, oo aad wax-wayn-ka-baran doonto sida: daacadnimada, samafalka iyo waliba xidhiidhka ehelkaaga.
4. Waxaan ku soo gunaanadayaa fariintan Prof Samatar, “wixii aan daacad ahaynba dabaduu ka xumaan”; safarkaagu wuxu maryaa usbuucii ugu horeeyey, si sharaf iyo karaamo bandanna shacabku wuu kuu soo dhoweeyey, hase yeshee dareeno badanoo kala duwan ayaa durba soo baxaya, waxaan kugula dardaarmayaa inaad daacad ka noqoto dareenkaaga ku waajahan Qaranimada S/Land, hadddii aanay taasi suurto gal kuu ahayn, si wanaagsan ayaa laguu soo dhoweeyey ee halkaa ku soo koob safarkaaga, sawiro fiican oo ku anfaca ayaad heshay ee iska amba bax, waxaan ilaahay ka baryayaa in aanu noqon safarkaagu mid shacabka kala dhexdhiga dareeno aan loo baahnayn.
Allaa Mahadleh, S/Land Guul.
C/Rashid Xasan Mataan.
khadarbitijoor@hotmail.com
+256791661106
Wariye KHADARBITIJOOR
SDNNEWS
OFFICE UGANDHA