|

Ardayda Jaamacadda Hargeysa Oo Maalintii Saddexaad Mudaharaadsan, Waxbarashadii OO Joogsatay iyo Ardaydii Xidhnayd Oo Saldhigyada Koonayaasha Magaalada Lagu Daadiyey

Hargeysa:15-April-2014(SDN)-Xaaladda Jaamacadda Hargeysa, ayaa meel halis ah maraysa, waxana Gebi ahaanba istaagtay Waxbrashadii iyadoo ay Ardaydu Go’aan ku Gaadheen inaanay Soo Xaadirin Xiisadaha  la Bixinayo.

uniuniuniArrintan ayaa ka dambaysay markii ay Jaamacaddu Go’aan ku gaadhay in la Kordhiyo Lacagta laga Qaado Ardayda, taas oo Sababtay inay Ardaydu Mudaharaad kaga Hortagaan, iyadoo Booliskuna Xoog u adeegsaday.

Maalintii shalay Jaamacadda Hargeysa, waxa Xiisado ahi kama ay Bixin sida ay Noo sheegeen Qaar ka mid ah Ardayda oo aanu kula kulanay Suuqa xilli ay cunnooyin u sideen Ardaydii la xidhxidhay oo Haatan lagu Daadiyey Saldhigyada ku kala Yaalla Koonayaasha Magaalada.

Ardayda oo Tallaabooyinka la isu joojin maayada ah si weyn uga Gubtay, ayaa Go’aansaday inaanay imanin Xiisaha la dhigayo si ay u muujiyaan Sida ay uga Xun yihiin lacagta la kordhiyey oo ay ku sheegeen mid aanay qaadi Karin.

Sida ay noo sheegeen ardaydu, waxa halkiisa ka sii socon doona Mudaharaadka lagu diidan yahay in Xiisaha la Xaadiro, taas oo waji gabax ku Keentay Maamulka iyo macallimiinta jaamadda oo iyagu ku andacoonaya inay korodhka lacagta uga Gol-leeyihiin  sidi tayada Jaamacadda Kor loogu qaadi lahaa.

Sidoo kale  waxa Tallaabo laga Xumaado ay Ardaydu ku Tilmaameen Tiro ka mid ah Wiilal iyo Hablo iskugu jira oo Maalitnii saddexaad gacanta  ugu jira Ciidanka Booliska, kuwaas oo waliba Saldhigyo kala fog lagu daadiyey si ciqaab loo tuso.

Maamulka Jaamacadda ayaa iyagu ku Adkaysanaya inaanay  Joojin doonin lacagahaas ay kordhiyeen Halka ay Ardayduna ku Adkaysnayaan inaanay Bixinayn wax lacag ah oo dheeraad ah, iyadoo cid dhexdhexaadisaana aanay jirin.

Murankan ayey Wasaaradda Waxbarashadu ku tilmaanay mid dhinaca Ardayda ka yimi oo aanay Maamulku Eed ku lahayn, waxana ay tilmaameen inaanay Wax Faro gelin ah ku yeelan Dooonin.

Mudaharaadka iyo muranka u  dhexeeya Ardayda iyo Maamulkooda ayaa soo noqnoqday, iyadoo arrrimuhu inta badan ka bilaabmaan Lacago kor loo qaado, wali ma muuqdaan wax xal ah oo arrinta loo hayaa.

 

S.D.N

Contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed