|

Ardayda Jaamacada Nairobi oo ku hanjabay inay isdili doonaan hadii aanu Obama soo booqan Jaamacadaas

Nairobi,14july,2015(QJ/SDN)-Qaar ka mid ah Ardayda dhigata Jaamacada Nairobi ee ku taallo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay ku hanjabeen inay isdili doonaan, hadii Madaxweynaha dalka Mareykanka aanu booqasho ku tagin Jaamacadaasi.

Dhamaadka Bishan aan iminka ku guda jirno ayaa la filayaa in Madaxweynaha dalka Mareykanka Booqasho saddex maalin qaadanayso uu ku tago dalka Kenya, halkaasi oo uu ka furi doono shir looga hadlaayo arimaha ganacsiga.

Ardaydan oo gaadhaysa 18 Arday waxa ay warqad ay u qoreen Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Kenya, waxaana warqadooda ay ugu cadeeyeen inay isdili doonaan, hadii Madaxweynaha dalka Mareykanka uusan Jaamacadaasi booqan.

Waali

Waxa ay ka codsadeen Safiirka in lagu soo daro Jaamacada Nairobi meelaha uu booqan doono Madaxweynaha Mareykanka, saddexda cisho ee uu joogi doono gudaha dalka Kenya.

Qoraalka ay u qoreen Ardaydaan waxa ay ku sheegeen in guud ahaan Ardayda dhigata Jaamacada ay gaarayaan ilaa 84 kun oo Arday oo dhamaantood u hamuun qabaan in Obama uu soo booqdo Jaamacada, waxaana ay qoraalkooda ku xusuusiyeen sanadkii 2006 in Obama uu booqday Jaamacadaasi, xilligaasi Obama wuxuu ahaa Senator.

Lama oga jawaabta kasoo bixi doonta Safaarada Mareykanka ee dalka Kenay ee warqadaan loo qoray, sidoo kale Madaxweynaha dalka Mareykanka Obama oo amnigiisa si weyn loo ilaaliyo ayaan la ogeyn inuu aqbali doono inuu tago Jaamacada Nairobi University oo Arday kala duwan ay dhigtaan.

Dalka Kenya waxaa ka dhaca weeraro Shabaabka Somalia ay ka geysteen, waxaana maalmo ka hor dalkaasi la geeyay qaar ka mid ah gaadiidka ka qayb qaadan doona ammaanka Madaxweynaha Mareykanka.

.

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed