Ardayda iyo maamulka Dugsiyadda Salaama oo maanta ku wareejiyay lacag ay kaga qeyb qaadanayaa Dhismaha Waddada Ceerigaabo Wasiirka Wasiirka Waxbarshadda Jsl,Marwo: Samsam Cabdi Aadan
07,Apr.2014(SDN)-Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiyadda Salaama,ayaa maanta ku wareejiyay lacag dhan 2,300$ oo ay kaga qeyb qaadanayaan dhismaha Wadooyinka Somaliland,gaar ahaana Waddada Ceerigaabo Wasiirka Wasiirka Waxbarsha iyo Tacliinta Sare ee Somalilnad Marwo: Samsam Cabdi Aadan.xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Xarunta Guud ee Dugsigaasi,ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Maamulaha Dugsiyada Salaama Nour Iidan,ayaa si rasmi shaaciyay qadarka lacageed ee ay maanta farta ka saarayaan Wasiirka Waxabarshadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland.waxaana uu tilmaamay inay maanta ku weareejinayaan Wasiirka Lacag dhan 2, aanay ahayn tii ugu danbaysay.laakiin ay qaar inta ka badan ay kaga qeyb qaadan doonaan hir-galinta dhismaha wadooyinka dalka.waxaana uu ugu baaqay cid kasta oo gacan ka gaysan kartaa inay wax ku darsato Dhismaha Wadooyinka dalka.
Dhinaca kale waxa mashadda hadal mahad naq iyoi dhiigalain iskugu jira ka jeedisay Wasiirka Waxbarshadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.iyada oo si aad ah ugu mahadnaqaday Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiyadda Salaama sida Xil-kasnimada leh ee ay ugu soo jawaabeen dalabkii ahaa inay bahda Waxbarshadu ka qeyb qaatdato olalaha dhaqaale ururinta Wadooyinka Dalka.
Waxaana ay dhalinyarada u hogo-tusaalaysay Muhiimadda laga leeyahay arintan,maadama ay haynta Ardaydu ay yartahay,iyada oo sheegtay in la tusayo dhalinta iyo HORUMARINTA DALKA AY QEYB QAADAN KARAAN.
Hargaysa-SDN
contact@somalidiasporanews.com