|

Ardayda Dugsiyada Sare Ee Burco Oo Dagaal Qabyaaladaysan Isku Qaaday iyo Tiro Arday ah Xabsiga La Dhigay

 Burco:May,06,2014(SDN/QJ)-Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada Sare ee Magaalada Burco ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu iska horimaad qabyaalad ku salaysan dhex maray.

arareSida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaadhayaa waxa ciidanka ammaanku qabteen Arday kor u dhaafaysa ilaa 20-arday, xilli ay dagaal isku qaadeen isla-arday kale oo ay isku dugsiyo yihiin oo ay xaga qabiilka ku kala duwan yihiin.

Ardayda Dugsiyada Sare ee Togdheer ayaa inta badan u dagaalama  Qaab qabiileed, waxan adhacda in inta badan ay macallimiinta iyo waliba maamulka waxbarashada ee Gobolku u maara waayaan dhaqanka ardayda Halkaas wax ka barata.

Bishii labaad ee sanadkan ayaa iska hor-imaad dhex maray arday Dugsi wada dhiganaysay Magaalada Burco, waxaanay taasi sababtay inay Xukuumaddu Olole la dagaalanka Qabyaalada ah oo ardayda lagu wacyi-gelinayso ka fuliso Magaalada, hase ahaatee arrintani waa mid wali soo noqnoqonaysa  tan iyo markii ay dawlada siilaanyo talada dalka la wareegtay.

Ardaydan ayaa Maalintii shalay saldhiga dhexe ee magaalada Burco loo taxaabay, kuwaasoo  wax ka baranayay  Dugsiga sare ee Sheikh Bashiir oo ah Dugsigii ugu horeeyay ee Magaalada laga dhisay waxbarashada sare, waxana wali sii socda Dagaalka iyo xurgufaha u dhexeeya Ardayda isku dugsiga ah.

Dadwayanaha reer Burco, ayaa is waydiinaya waxa arimahan ay xal ugu wayday Dawlada iyo maamulka gobolku maadaama ay arintani nabadgelyo daro ku keeni karto gobolka, isla-markaana ay Abuuri karto jawi colaadeed oo ku abuurma Da’yarta Gobolka u soo koraysa.

Arimaha  farta lagu fiiqayo ee  loo sibirsaarayo iska hor-imaadyada ardayda  waxaa ka mid ah Dugsiyada dawlada oo isu bedelay kuwo ay dad yeesheen isla markaana ay Dugsiyada qaar oo uu ka mid yahay dugsiga Sheekh bashiir oo aan laga bedelin maamulkiisa 18 sanaddood

Burco ayaa tan iyo intii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xukunka qabatay, wax aka abuurmay Jawi ka duwan midkii lagu yiqiinay, waxana Xilligii ciyaaraha Gobolada lagu Ciyaarayey Hargeysa Sanadkii hore kooxdii u ciyaaraysay Burco raacday Ceeb iyo Nacdiir, kadib markii ay iyagii dagaal dhexdooda ah ka dhex bilaabeen Garoonkii lagu ciyaarayey iyo waliba Goobihii ay deggenaayeen.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed