Ardayda Dhigata Dusgiga Maxamuud Axmed Cali ee Magaalada Hargeysa Oo ka Mudaharaaday Lacag kordhin lagu sameeyay
Hargeysa — Ardayda wax ka barata dugsiga Maxamuud Axmed Cali ee magaalada hargeysa ayaa mudaharaad balaadhan ka dhigay magaalada hargeysa.
Mudaharaadkan ay dhigeen ardaydu ayaa ahaa mid ay kaga soo horjeedeen wasaarada waxbarashada Somaliland oo ku kordhisay lacagtii laga qaadi jiray ardayda (Fee) kuna amartay ardayda inay lacagta kusoo bixiyaan account Iyo sidoo kalena qaar kamida macalimiinta wax ka dhigta dugsiga oo laga badalay dugsiga.
Mudaharaadkan oo aan sababin wax khasaare ah marka laga reebo ardayda oo burbur u gaysatay qaar kamdia gawaadhiga dawlada oo marayay wadada mudaharaadku ka socday.
Hadaba warbaahinta oo u guur gashay si ay wax uga waydiiso ardayda waxa ay ka cabanayaa ayaa ay ardaydu sheegeen in wasaaradu ku kordhisay lacagtii laga qaadi jiray sidoo kalena ku amartay ardayda inay lacagta kusoo bixiyaan account iyo waliba qaar kamida macalimiinta oo laga badalay dugsiga waxaana ay ardaydan hadaladoodu isku soo biyo shubanayeen sida tan.
“waxaanu hadaanu nahay ardayda dugsiga Maxamuud Axmed Cali waxaanu saaka ka mudaharaadaynaa macalimintii aqoonta lahayd oo nalaga eryay iyo bishii oo nalagu kordhiyay iyo lacagtii ay maamulku yidhaahdeen account nooogu soo shuba mana yeelo waxaa ay wasaaradu wado mana u dulqaadanyno waxaan leenahay hanaloo soo celiyo macalimiintayadii”Sidaas uu isku soo biyo shubanayay hadaladii ay ku dhawaaqayeen ardaydu.
Si kasteba ha ahaatee ciidanka amaanka gobolka maroodi jeex oo rasaas nool u adeegsaday ardaydan ayaa ugu danbayntii ku guulaystay inay kala dareeriyaan ardaydii mudaharaadkani samaynaysay.
Isku soo wada xooriyoo tan iyo intii madaxwayne siilaanyo u magacaabay wasaarada waxbarashada wasiir Cabdilaahi Ibraahin Habbane (Cabdilaahi Dheere)Ayaa waxa uu wasiirku bilaabay inuu wax kabadal ku sameeyo awaamiirta ay xukumadu soo saarto eek u aadan waxbarashada dalka