Arday dhigata Jaamacada Alfa ee Hargeysa oo daabacay buuq Qaamuus ah
Hargeysa Jan 27,2012(qurbejoog.com)-Guddoomiye ku-xigeenka Gollaha Wakiilada Somaliland Md Cabdicasiis Samaale ayaa ka qeyb galay kulan lagu daahfuray buug cusub oo Qaamuus ah oo ay daabaceen sadex ka mid ah ardeyda dhigata Jaamacada Alfa.
Xaflada bandhiga Buugan Qaamuuska aha ayaa ka dhacday Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale waxa ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Boobe Yuusuf Ducaale iyo Xildhibaan Ibrahim Axmed Heybe
Xaflada ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Guddoomiyaha jaamacada Alfa Md Maxamed Xuseen Muadinka oo ka warbixiyay dedaalka ardeydani ay muujisay iyo muhiimada baahsan ee buugani mujtamica uu u leeyahay.
Waxa isna halkaahadal ka jeediyay mid ka mid ah ardeyda qoray Buugan ka kooban 890 eray ee isku turjumaya luuqadaha Soomaaliga iyo English Cabdiqadir Cabdixakiim Maxamuud ayaa sheegay wado dheer ay u mareen qorida Buuga iyo dedaalka ay saxiibadii muujiyeen xiligii hawsha ay ku guddo jireen.
Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale oo ka tirsan Academiyada Nabada iyo horu marka oo isna halkaa ka hadalay ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in jiilalka danbe ay qalinka u qaatan bulshadooda aqoonta u baahan.
Ugu danbeyntiina waxa halkaa hadal ka jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka gollaha Wakiilada Somaliland Md Cabdicasiis Samaale oo isna ku dheeraaday mahadcelin uu u jeediyay ardeyda buuga soo diyaarisay iyo sharaxaad dheer oo uu ka bixiyay qiimaha waxbarashadu bulshada u leedahay.
Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com