|

Akhriso Qaar Kamid ah Qodobadii ku jiray Warmurtiyeedkii laga soo saaray Shirkii London

Muqdisho May 08,2013(SDN)-War Murtiyeedkii ka soo baxay Shirka London lagu soo gaba gabeeyay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa uu Taabanayay Arimo dhowr ah Sida Amaanka, La Dagaalanka Burcad Badeeda iyo Taageero la siiyo Dowladda .

Waxaana Qodobadii ka soo baxay Shirka London Kamid ahaa:

1-Bogaadin loo jeediyey Guullaha siyaasadeed ee dowladdu gaartay dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka oo ay ugu horeeyaan  ka gudbidii KMGka iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay.

2-In Al-Shabaab la dagaalankeeda la dhameystiro oo ay caalamku wadajir uga qeyb qaataan.

3-Dhameystirka Dastuurka qabyada ah

4-La dagaalanka Bucadbadeedda iyo dib u habeynta Garsoorka

5-In dowladda laga gacansiiyo fulinta qodobada u degsan si dalka ay u gaarsiiso 2016doorasho

6-Soo dhaweynta wadahadallada DFS iyo Somaliland

7-Hirgelinta Federaalka oo si wadajir ah loo taageeray sida ay dowladdu u wado.

8-In la siiyo Dowladda taageerro dhaqaale oo caalami ay ayadoo la sameynayo sanduuq ay wax ku wada ridaan bankiga aduunka iyo hay’adaha caalamiga iyo dalalka  deeqaha bixiya.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed