|

Aqoonyahanka qurbejooga reer Gabilay oo fariin u diray Xukumada Somaliland (Waqtigii aan tashan lahayn baa la gaadhay)

London 27Aug14 (SDN/QJ) Munaasabad aad u qiimo iyo qaayo badnayd ayaa kulmisay qurba-jooga reer-g abiley ee cariga ingiriiska habeenimadii sabtida. Waxay ahayd xaflad soo dhaw eyn iyo sagootin ah oo loo sameeyey  badhasaabka gobolka Gabiley mr. Maxam ad Cabdi “Shiine”.  kuyalnkan oo  Il-yarta ayaa is qabatay waxaanay u dhacday si sharaf iyo m aamuus leh. Madasha waxa lagu gorfeeyey danaha gobolka iyo horumarkiisa.

waxa laysla gartay oo  laga dhawaajay in la soo gaadhay waqtigii ree-gabiley ay tashan la haayeen, shinkiina uu buux samayey. Waxa la joogaa markii ay codkooda iyo cududoodaba ay midayn lahaayeen, kana bixi lahaayeen in awrka lagu kacsado. Waxa aan shaki ku jirin in dadka reer-gabiley ay xaq u lahaayeen gobolnimo mu du dheer ayna ku taamayeen. Hadal haynta arintaas waan ku garaadeystay, welina dhab may noqon. In kasta oo madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu ku dhiiraday magacaabista gobolka, laakiin weli waa qabyo oo lama ansixin.

Gobolku wuxuu horeba u buuxiyey shuruudihii gobol lahaa haday tahay dhaqaa le, baaxada dhulka iyo tirada dadka ku nool, hadaba waa yaab yaab kiiseh “ ha shu maankay gadee ma masaar bay liqday”. Halkee salaadu ka xidhmi laadahay ? Yaa dhufayska noogu jiray ee hortaagan gobolnimada? Habeenkaas aan mar ti qaadnay gudoomiyaha gobolka waxaan u dhiibnay fariin adag oon gor-gortan lahayn. Fariintaasna u gudbiyo madaxweynaha dalka mr. Axmad Maxamad Max amuud Siilaanyo waxay tahay” Are you with us or against ?”.

Taas macnaheeduna waxay tahay inuu shaabada ku dhifto ansixiyana gobolka. Hadaba gunaanadkii iyo gaba-gabadii waxay tahay reer-gabilayoo, waxay kali ya een ku dagaal tagaynaa maanta waa codkeena (voting), taas oo cid weliba ku xisaabtamaso.taas oo aqoon yahan JIBRIIL CALI CAQLI kaga dhawajiyay fariintan oo ahayd mid aad u adag

 

 

10343524_10204570679608457_5964844066873630123_n10593124_10204570680888489_1113426085594970633_n10625004_10204570678568431_1831751859526185170_n

Comments are closed