Aqoonsigii wuu innoo bilaabmay sidaas ayay innoogu sii socon doontaa” Gudoomiye Wakiilada
Hargaysa 05.April 2014 (SDN)- Shir-gudoonka Golaha Wakiiladda ayaa soo dhaweeyay oo u mahad celiyay Golaha Deegaanka Magaaladda Sheffield ee dalka Ingiriiska oo Arbacadii todobaadkii hore fadhi ay yeesheen ku shaaciyay inay Somaliland u aqoonsadeen dal madax-banaan.
Shir-gudoonka Wakiiladdu waxay ku tilmaameen dhawaaqa Golaha deegaanka Sheffield tallaabo taariikhi ah, sidaasna waxa sheegay Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee aqalkaasi Dr. Cali Yuusuf Axmed oo u warramay warbaahinta.
Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu bogaadiyay jaaliyadda Somaliland ee ka soo shaqeysay inay qadiyadda dalkooda fahamsiiyaan Gole deegaan oo xukuma magaalo ku taalla dal weyn. “Sharaf weyn ayay ii tahay inaan anigoo ku hadlaya magaca Golaha Wakiiladda Somaliland aan bogaadiyo Golaha deegaanka Sheffield oo fadhi ay yeesheen ku aqoonsaday Madax-banaanida Somaliland. Waxaan marka hore u hambalyeynayaa Jaaliyadda ku dhaqan Sheffield oo aan si gaar ah u bogaadinayo. Waxa kale oo aan si guud u hambalyaynayaa Jaaliyadda Somaliland ee wadanka Ingiriiska,”ayuu yidhi Dr. Cali Yuusuf.
“Waxa kale oo aan u hambalyaynayaa xukuumadda Somaliland ee uu hormoodka u yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo iyaduna kaalin libaax ka qaadatay sidii ay u suurto-geli lahayd. Waxa kale oo aan jeclahay inaan halkan uga mahad celiyo Golaha deegaanka Sheffield ee dalka Ingiriiska iyo xildhibaanadiisa arrintaasi suurto-geliyay. Waa tallaabo weyn waana markii u horeysay ee ay magaalo weyn oo ka tirsan dal weyni Somaliland ictiraafto,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladdu.
Dr. Cali Yuusuf Axmed waxa uu xusay inuu rajaynayo inay magaalooyin kale iyo dalal kale tallaabadan kaga dayan doonaan Golaha deegaanka ee Sheffield, waxaanu yidhi “Waxaan rajaynayaa in magaalooyin kale iyo dalal kaleba ay kaga dayan doonaan Golaha Deegaanka Sheffield tallaabada ay qaadeen. Sidaas darteed tallaabadaas taariikhiga ah ee ay sameeyeen waan uga mahad-celinayaa kuna bogaadinayaa, Soomaalidu waxay tidhaahdaa wadiiqada yari waxay kugu ridaa wadada weyn.”
“Aqoonsigii wuu innoo bilaabmay sidaas ayay innoogu sii socon doontaa, waa inaynu dedaalkeena halkaas ka sii wadnaa oo aan laga daalin gudo iyo dibadba baadi goobka aqoonsiga Somaliland. Innagu (Somaliland) waynu is ictiraafsan nahay wax weyna waynu qabsanay iyadoo uu innaga maqan yahay aqoonsigii adduun-weynuhu,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Wakiiladdu.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog@gmail.com