Aqoonsiga Somaliland iyo Dhibka ka Taagan dalka Yemen oo ay Baarlamaanka Uk ka doodeen DAAWO
London 09.July 2015 (SDN/QJ)-Dood Xasaasiya oo ka dhacday baarlamaanka yurub oo lagaga doodayay dhibaatada wadanka yemen iyo saamaynteeda ayaa James Carver oo xildhibaan kasoo baxay xisbiga UKIP ee wadanka ingiriiska wuxuu miiska soo saaray aqoonsiga Somaliland iyo sidookale Saamaynta ay Soomaliland ku leedahay dhibaatada Yemen iyo qaxoontiga yemen ee ku soo qulqulaya wadanka somaliland , sidoo kale baarlamaanka yurub ayaa sheegay doorka somaliland ee mandaqada gacanka cadmeed iyagoo tilmaamay inay somaliland tahay goobta ugu xasiloon labada Gobol ee gacanka Cadan iyo Geeska afrika .