Aqoon yahano Soomaaliyeed ooka digay in si qaldan loo maamulo lacagaha dowlada Soomaaliya loogu deeqay.
Qaar kamid ah waxgaradka iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo durbadii warbaahinta la hadlay kadib gaba gabadii kulankii London ayaa waxa ay ku booriyeen xukuumada Soomaaliya in ay dhaqaalaha loogu deeqay ay si waanaagsan u maamusho.
Aqoonyahanada iyo waxgaradkan ayaa sidoo kale uga digay dowlada in ay six un ay u maamusho lacagahaasi loogu deeqay iyagoo tusaale ugu soo qaatay halka ay mareen dowladihi ka horeeyay ee kmg ahaa ee dalka hogaankiisa waqti loo soo dhiibay.
Dolwadda Soomaaliya ayaa dhaqaalo badan oo ay wax uga qabato arrimo dhawr ah ayaa loogu yaboohay Shirkii ka dhacay Magaalada London ee dalka Ingiriiska kaasi oo ay ka qeybgaleen in kabadan 50-dowladood oo ahaa saaxiibada Soomaaliya.
Dowldda Xasan Sheekh ayaa lagu Amaanay la dagaalanka Musuqmaasuqa dalka ka jira waxaana sidaasi darteed loo gacan galin doonaa dhaqaalaha lagu tabarucay si ay ugu fuliso baahiyaha jira.