Aqoon-yahanka Dadka by cabdale adan
Garashadu waa rukunka ugu mudan ee qof kastaa ku taamo, waana waxa kaliya ee ay ku duugantahay qofnimadu, waana waxa keenay in qofkastaa ku taamo in uu noqdo kan ugu kasmo iyo garasho badan, si taasi uu u helo qofku waxa uu u fuushan yahay geed dheer iyo mid gaaban, xoolo waxa uu heli karana waa u hurayaa, si uu u gaadho higsigaas iyo halbeegaas aadka u wacan, waxan badan in qofku si uu halkaas u gaadho uu u tago dhul fog, oo waayihiisa leh, hadaba waxa sidaa loo raadinayaa, hadii qiimahaas loo huray, maxaa mudan in uu yeesho qofku si aanu u kufsan qiimaha iyo milgaha aqoonta.
Aqoontu hadii ay tahay kasmada iyo garashada qofkuna waa weelkii lagu shubaayay kasmada iyo garashada, hadaba meesha taal sideen u hagaajin karnaa weelka lagu shubaayo waxaas qaaliga ah,
Dhaqankeena xoolo raacato, waxa aan ka baranay, in weelka lagu shubaayo caanaha, in aan sida ugu saraysa aan u ilaalino nadaafadiisa iyo muuqalkiisa guud, waxan la sameeyaa in aan weelka caanaha lagu lisin, biyo diiran baa lagu maydhaa, hadana waa la qalajiyaa, kadib intaas oo dhan waxa lagu sameeyaa, inta god yar la qodo oo geedo lagu gubo ayaa qiiqaas lagu uumiyaa, kadib waxa la sudhaa geedka ardaaga si loogu liso, hawshaana waxa qabta haweenka, lagumana sii daayo hablaha yaryar, marka la gaadho xiligii canaha lagu maalay waxa ugu horeeya ee qofka xoolaha lisayaa yidhaa ma culan yahay dhiilkii, waxaas oo dhan waxa loo maryaa in caanuha dhadhankoodu fiicnaado, naftuna waa kala jeceshay caanah weelkii lagu soo lisay la culay iyo kan aan loo aabo yeelin, aqoonta iyo garashaduna waa la mid, waana in sida loogu hagar baxay weelkii caanaha loogu hagar baxaa weelka aqoonta lagu diraayo.
Hadaba waxa aan qormadan aan ku cadayn doonaa, hadii qofku yahay weelkii aqoonta iyo kasmada, maxaa ugu haboon ee aan ku qurxin karnaa muuqaal ahaan iyo dhadhan ahaanba weelka aqoonta.
Ugu horayn waxa mudan in qofku ogaado in aqoontu tahay waxa kaliya ee Eebe gaarka u siiyay habar dad, hadii aan waxaas qiimha leh Eebe dhaxal inoo siiyay waa in aan ka ilaalinaa wax kasta oo doociisa iyo dareenkiisa badalaaya, milgihiisan wax u dhimaaya.
Waxa kale oo mudan in qofku ogaado, tan iyo malintii uu u holaday, doonashada kasmada, in dadkii uu wax la baranaayay ay ahaayeen dad kala gadisan oo kala hayb ah, waxan taas ka sii mudan dadkii barayaasha kasmada u ahaa in ay kala gadisanaayeen, waxa kaliya ee wax u barayeena uu ahaa sirta ku jirta heesta Maxmed mooge ee ARDAY ee oo dhanaysa
Dhadhankaas aadka u sareeya iyo xilka dhabta ah, ee ku duugani waa ka Eebe yidhi ( kaliya waxa sida ugu haboon iiga cabsadaa waa dadka aqoonta iyo kasmada leh) ma jiro sarayn ka weyn taas in uu Eebe ka dooraty dadkii uu abuuray oo dhan, qofka aqoonta leh, ee si dhab u gartay sirta aqoonta.
Waxa kale oo iyadina meesha taa in gudbiyaha aqoontu uu ku suntanaado oo uu noqdo mid ka dheer wax kasta oo wiiqaaya milgaha iyo maamuuska aqoonta waxana ugu mudan tiirarkan
- Waa in aqoonta uu sidaa ay biyo dhigatay, oo arinka uu dhan kasata ka eego, oo aanu hal gees ka eegin, waana in uu ka dheeraadaa laab-la-kac aqooneed
- aqoontiisu ay qaan-gaadho, qofku jidh ahaan waxa uu u qaan-gaadhaa marka uu 15 sano gaadho, se garaadkiisu muu qaan gaadhin, waxa uu se aqoontiisu ay si dhaba u noqotaa aqoon-qaangaadhay malinta uu noqdo gurgurshaaga aqoonta ee uu u bislaado
- aqoon tiisu ka weynaato reerka uu yahay, iyo kooxda uu diin ahaan taageersan yahay, iyo aragtisiisa qofnimo,
- aqoontiisu ka weynaato cid jecelaysi, iyo cid necebaysi, iyo kan ku riix iyo kan ku soo dhawee, kaliya ay ka tahay dadkaaga ugu dhaami, adiguna dan gaara ha ugu adeegsan
- In uu noqdo kan ay dhamaan bulshadiisu wada hadhsato, waan in uu ahaado kan loo soo wada ooyo, ee aanu noqon ka cid gaari hadhsato.
- In uu aqoon yahanku yeesho meel loogu soo hagaago, oo aanu noqon mid habeenba geed taagan, waana in aanu noqon hangool maliba ninkii soo oodaysanayaa dagta sii sudho.
Intaas qofka buuxiya ayaa ah aqoon yahan dhaba oo aqoontiiu ay qaan-gadhay, waana waxa aqoontaada lagu qaadanaayo, bulshadana aad wax ugu tari karto oo aad ugu dhaamin karto.
Hadii aan halbeegaas aan u dajinay, weelkii aqoonta lagu shubaayay oo ah qofka, waxa iyaduna meesha taan habkeen aqoonta iyo kasmada aan u raadsanaa?
Ilahay ha inag dhigo kuwa ku tilmaaman halbeegaas aadka u sareeya, aqoonta iyo kasmadana Eebe ha inoo biirsho, Amiin Amiin Amiin
Waxan ku soo ooday murtida odhanaysa aqoone lagu wada sheegay, aqoon darayo se lagaa wada carar
Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan