Aqoon-yahan Jaamac Jiir oo Xabsi dheer oo Aanu Galabsan Lagu xukumay Si Hoosena Loo Geeyey Jeelka Mandheera
Hargeysa:24-Aug-2013-(SDN)-Aqoon Jaamac cilmi jiir oo ah qoraa reer Somaliland oo bulshada qalinkiisa wax ku tusa ayaa ay maxkamada Gobolka Hargeysa ku xukuntay xukun dheer oo Afar sano ah iyo Ganaax lacageed.
Aqoonyahanka oo in ka badan bil xukun la’aan ugu xidhnaa Magaalada Hargeysa, ayaa ugu dambayntii la sheegay in xukunkaas dheeri ku dhacay, iyadoo Goobta lagu xukumayna aanay joogin wax looyarro ah oo u dooda iyo cid ehel u ah midna.
Xadhig xukun la’aan ah oo uu aqoonyahanku muddo dheer ku jirey ka dib waxa ay maxkamadda Gobolka Hargeysa Toddobaadkii dhamaaday badhtamihiisii Aqoon-yahan Jaamac jiir ku xukuntay xadhig Afar Sano ah iyo Halmilyan oo SL Shiling oo Ganaax ah.
Sidoo kale ma jiraan wax qodobo xeer ciqaabeed ah oo ay maxkamaddu u cuskatay xadhigga muqaadinkan, waxana lagu warhelay oo kaliya in xukunku ku dhacay, iyadoo qiil looga dhigay inuu af-legaadeeyey dad dawladda ka madax ah.
Intaas lagagama hadhine markii uu Aqoon-yahanku jeelka Hargeysa ku jirey muddo laba Maalmood ah ayaa amar lagu bixiyey in la madalufiyo oo la geeyo Jeelka Mandheera si aanay cidiba indho u saarin, taas oo la fuliyey.
Aqoon-yahan Jaamac ayaa haatan ku jira jeelka Mandheera, isagoo ah dulmane aan waxba Geysan oo loogu awood sheeganayo Shaad dawladeed iyo xil loogu manno sheeganayo.
Aqoon-yahanka ayaanay jirin cid si cad u soo ashkataysay oo waraaq soo qabasho ah ku soo xidhay, waxase maalin sida sida xoolaha looga dhex qabtay magaalada Hargeysa, iyadoo xadhigiisana loo aanaynayo wasiirro ay isku beel kasoo wada jeedaan, sida wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu dhawr jeer Aqoon-yahanku qalinka ku tilmaamay qaab aan habboonayn oo uu hantida umadda u isticmaalo.
Dhinaca kale aqoon-yahanka ayaa intaan la xidhin Bil ka hor laga soo daayey jeelka Hargeysa oo ay maxkamadi xukun ku ridday, iyadoo isaga oo aan xukunkaa dhamaysanna loo sheegay inuu fasax yahay.
Aqoon-yahan Jaamac cilmi jiir oo ah xubin firfircoon oo bahlo-jire ka ah Hanti lunsiga iyo ku takri falka xoolaha umadda ee madaxda dalka, ayaanu qalinkiisu raaligelin in badan oo xilal kala duwan ka haysa xukuumadda maanta gaar ahaan qolada ay isku beesha yihiin oo uu aad ugu wax ugu sheego ayaa qaaday Dagaal ay ku cabudhinayaan qalinkiisa.
Somalidiasporanews.com