|

Aqoon Isweydaarsi lagaga hadlayay Cudurada isaga Gudba Dadka iyo Xoolaha oo Hargaysa lagu soo Gabo gabeeyay

Hargaysa 22.May (SDN) Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xanaanada xoolaha Dr, Maxamuud Axmed Caga-weyne, ayaa maanta  soo gebagebeeyay kulan howleed socday muddo laba maalmood,laguna baranayey Cudurada isaga gud-ba Dadka iyo xoolaha oo ay ka qayb galeen Gudoomiyayaasha deg-mooyinka dalka Qaar-kood,kaasi oo lagu qabtay Huteel maansoor ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud oo ka hadlay furitaankii kulan how-leedkaasi ayaa waxa uu sheegay,In wasaaradu ay dedaal weyn u gashay sidii ay degmooyinka dalka ay uga  hirgelin lahaayeen adeegyada dhinaca caafimaadka xoolaha. Waxaanuu xuusay inay saddex xarumood  ka hir geliyeen degmooyinka kala ah, Saba-wanaag, Salaxlay, Balli,Gubadle iyo Faraweyne, isaga oo  sheegay in ay halkaasi geeyeen Qalabkii  iyo dad badana ay ka tababareen, waxaanuu intaa raaciyey  in fulinta xarumahaasi iyo qalabka ay geeyeenba  ay ka caawisay Hay’adda Relief Intarnational.

Waxa kale oo isna Halkaa Ka hadlay Madaxa Hay’adda Relief international Dr, Ciise Nuur, waxaanuu sheegay,In mudadii labada maalmood ahayd ee uu kulan-howleedku socday wax-yaalaha  lagu   gorfaynayey ay ahaayeen cudurada dadka iyo xoolahu isa gudba dadka iyo xoolaha.waxaanuu tilmaamay in ujeedadu ay ahayd, in  tashi iyo afkaara  la kala qaato. Isaga oo intaa raaciyey  in wixii macluumaad iyo talooyin kulankan ka soo baxayna ay u gudbin doonaan wasaarada  xanaanada xoolaha si  ay hay’ad ahaan iyo wasaaraddu  wada tashi ay uga  yeeshaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed