Aqoon Isweydaarsi ku Saabsan Xeerka Anshaxa Xeer ilaaliyeyaasha oo Hargaysa ka furmay iyo Weedhii Gudoomiyaha Maxkamada Sare {DHAGAYSO}
Hargaysa 30 March (SDN) Tababar socon doona muddo sadex maalmood ah laguna gorfaynayo habka xeer dhaqanka xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha Somaliland ayaa manta ka furmay hotel Imperial ee magaalada Hargaysa.
Tababarkan oo ah wejigii sadexaad ee noociisa ah waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil cali iyo saraakiil ka socotay Hay’ada UNDP, iyadoo tababarkana ay qaadan doonaan xubno isugu jira garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal ka kala socday Goboada dalka.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey waxa uu sheegay in xeerkan lagu tababaranayaa uu yahay mid qabanaya xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha xiliga ay shaqada ku jiraan, halka sidoo kalena xeerkani saamaxayo in qofka muwaadinka ahi uu gudida cadaalada u soo gudbin karo hadii uu wax ka tirsado shaqada iyo go’aanka garsooraha, taasina ay wax weyn ka tarayso toosinta cadaaladda iyo garsoorka.
Kulankaasi waxaa kaloo ka hadlay Md cabdisalaan oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adda UNDP oo iyadu inta badan maalgelisa garsoorka wadanka.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Gudoomiye.mp3″]
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com