|

Aqoon isweydaarsi ku saabsan Ganacsiga iyo Saaxaafada oo Burco lagu soo Gabo gabeeyay

Burco 26.Dec 2013 (SDN)- Tababar ku saabsan ganacsiga iyo saxaafadda ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxaa Arbacadii shalay loogu soo gabagabeeyay 26 xubnood oo ka tirsan dadweynaha magaaladaasi.

kulan-waxbarshadaTababarka oo soconayay muddo lix bilood ah ayaa waxaa fulinaysay hay’ad waddani ah oo lagu magacaabo Gaafo.

Wakiilka hay’adda Gaafo ee gobolka Togdheer, Maxamuud Ibraahim Jaamac Barawaani  ayaa sheegay in hadafka hay’addu yahay in ay caawiso dadweynaha, si ay  isu caawiyaan.

Wuxuu kaloo sheegay inay  hay’addu  sii wadi doonto tababarrada ay siinayso xirfadleyaasha kala duwan,  loona baahan yahay in laga faa’iidaysto.

Jaamac Cabdullaahi  Cali oo ka mid ah mas’uuliyiinta waxbarashada ee gobolka Togdheer ayaa  u mahad celiyey hay’adda Gaafo, wuxuuna u hambalyeeyey kooxda dhammaysatay tababarka.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed