Aqalka Wakiilada Mareykanka oo ansixiyay nidaam canshuureedka dalkaasi
Washington Jan 02,2013(SDN)-Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa waxa uu ansixiyay nidaam in dhawaalaba lagu muransanaa oo ku taxaluqa canshuurha ee dalkaasi.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa qaba in dadka maalqabeenada ahi ay bixiyaan canshuuraha qeybtada kaga soo beegma,halka xisbiga mucaaridka Jamhuuriga ayaa is hotaagay wax canshuur korosi ah oo lagu sameeyo maalqabeenada iyo shirkadaha ganacsiga.
Aqalka ayaa haatan ansixiyay in canshuuraadka loo daayo sidii uu madaxweyne Bush u dhigay.
Shakhsiyaadka sameeya in ka badan $400,000 iyo lamaanaha sameeya in ka badan $450.000 ayaan wax canshuur oo dheeri ah laga qaadi doonin.
Madaxweyne Obama ayaa hore u dalbaday in dadka sameeya in ka badan ama la mida $250,000 oo dollar lagu kordhiyo canshuurta.
Madaxweyne Obama oo saxaafada la hadlayna waxa uu sheegay in uu sexeexi doono goaanka Wakiilada.
Talaabadan ayaa waxa ay xalineysa murankii canshuuraadka ee loogu magaca daray Fiscal cliff,oo ahaa qodobka qura ee ugu hadal heynta iyo welwelka badaan Mareykanka.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.co