Aqalka looga taliyo Ruushka oo shaaciyay in Madaxweyne Putin amray in ciidamadiisu ka soo baxaan dalka deriska la ah ee Ukraine & Jawaabta NATO iyo Maraykanku ka bixiyeen
Moscow 19, May 2014 (SDN/Reuters) – Aqalka looga taliyo dalka Ruushka ee Kremlin ayaa Isniinta ayaa shaaciyay in Isniinta maanta uu Madaxweyne Vladimir Putin amar ku bixiyay in ciidamada Ruushka ee ku sugan meelaha ku dhow dalka Ukraine inay dib ugu laabtaan fadhiisimadooda.
Inkastoo dawladda Ruushku sidaa shaacisay, haddana isbahaysiga NATO iyo dawladda Maraykanku waxay sheegeen in aanay arag wax calaamad ah oo sheegaysa dib uga bixistaas, isla markaana xukuumadda Moscow ay hadda kahor ku guuldaraysatay inay fuliso balanqaadyo noocaas ah.
Xukuumadda Moscow waxay tobanaan kun oo ciidamadeeda ah dhoobtay meelaha xuduudaha ee gobollada u dhow, halkaas oo kuwa goosi-raadiska ah ee Ruushka u heelani ay kaga dhawaaqeen dalal madaxbanaan, iyadoo xukuumadda Kiev ee Ukraine iyo dalalka reer-galbeedka ah ee xulafada la ah ay ka cabsadeen in ‘goosi-raadiyeyaasha’ loo isticmaali karo farogelin milateri iyo taageerada jabhaddaha.
Ukraine waxay Axaddii qabatay doorasho Madaxweynenimo, taasoo dalalka reer Galbeedku u tixgeliyeen inay dhacdo muhiim ah u tahay xalinta qulqulatooyinka dalkaas.
Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin wuxuu sheegay in Madaxweyne Putin uu amray in ciidamada ku sugan saddexda gobol ee Rostov, Bryansk iyo Belgorod oo xuduud la leh Ukraine, ay dib ugu laabtaan goobahoodii fadhiisinka joogtada ah ee la fadhiisimadoodii ay degenaayeen.
Laakiin, siday ku warantay wakaalada wararka Reuters, Ruushku kama hadal tirada askartooda laga soo saari doono gobol-xuduuddeedyada.
Ciidamada Ukraine ee ilaalinta xuduudduhu, si toos ah ugamay hadal wax ku saabsan bixitaanka, laakiin waxay sheegeen inay ku warheleen hoos-u-dhac ku yimi hawsha ciidanka Ruushka ee dhammaan cidhif-xuduudeedyada.
Qurbejoog.com, Moscow