“Annagu Somaliland dhinac ka raran ma taageerayno, Somaliland aan caddaalad lahaynna ma taageerayno” Sh.Aadan Siiro
Hargeysa 12.July 2015 (SDN/QJ)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (aadan-siiro) oo kamid ah Culimada waaweyn ee Reer Somaliland, ayaa muujiyey sida ay qaddiyadda somaliland lafta iyo dhiiggaba uga gashay, waxana uu intaas ku daray inaanu qaddiyadaas la dhuumanin.
Sheekh Aadan Siiro oo ka Hadlay madal lagu soo bandhigayey Warqad Dabargoynta Shacabka somaliland la xidhiidhay oo la qoray xilligii taliskii siyaad barre, ayuu ku sheegay in Qarannimada loosoo maray halgan adag, “ma ihi waddaadada somaliland hoos u yidhaahda ama meelaha qaarkood aan ka odhinin, waxana igu kallifaya halkagaas qadhaadh ee aynu soo marnay.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Sheekh Aadan Siiro oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku adkaystay inuu diyaar u yahay somaliland oo dadkeedu caddaalad iyo sinnaan ku caano maalaan, isla-markaana sinnaantu tahay waxa kaliya ee qancin kara, waxana uu yidhi,“anigoo qallin culus soo galay, ayaan halkan imi dareen aan dalkayga u qabo, annagu somaliland dhinac ka raran ma taageerayno, somaliland aan caddaalad lahaynna ma taageerayno. Markaanu leenahay somalialnd baanu ku qanacsanahay waa somaliland umadda u dhex ah oo la wada leeyahay oo caddaalad ku dhisan oo Sool ilaa Saylac dadkeedu mid yihiin oo qofna aanu qof ka sarraynin.” Sheekhu waxa uu Hoggaanka dalka ku dhiirrigeliyey inay bulshada caddaaladeeda iyo isku duubnideeda ka shaqeeyaan, kana dheeraayaan furfuridda iyo tafaraaruqa.