“ Annagoo Aan Markii Horeba Lahayn Agaasime, Wasiir iyo Xildhibaan In Nalaga Qaado Xubintii Guddida Caddaalada Waxanu u Aragnaa……”Suldaan Daakir
Burco:30-Dec-2013(SDN)-Suldaanka Guud ee Beelaha Gaboobe, Suldaan Daakir Xasan Khaliif, ayaa isaguna si weyn uga soo horjeestay Haddalada la isla dhex maraya ee sheegaya in La Beddelaya Xubta Beeshiisu ku Leedahay Guddida Caddaalada Somaliland.
Suldaanka oo la Hadlayey Saxaafadda, ayaa Tilmaamay inaanay Arrintaasi wax la Aqbali karo ahayn, isla-markaana ay waddanka sumcad xumo ku tahay in maanta laga qaado xubintii kali ahayd ee ugu jirtey Guddidaas, waxana uu Baarlamaanka ugu baaqay in Haddii Xubinta la saluugay cid kale oo Beesha ka tirsan loogu Beddelo.
Suldaanka oo isaga Hortiisa ay salaadiin iyo Waxgarad badan oo Beesha ka tirsan ka Hadleen Arrintan, ayaa Golaha Wakiillada ugu baaqay inay Arrintaas ka Tanaasulaan oo ka Fiirsadaan, “Waxan u soo jeedinayaa Golaha Baarlamaan ka Somaliland inaanay ku degdegin Beddelaadda Xubinta Beeshayada ugu jirta Guddida Caddaalada, Haddii taas laga Fursan waayo oo xubinta la saluugayna waxan usoo jeedinayaa inay beddelaan oo Beeshu cid kale oo ku Haboon keento, laakiin wax la Aqbali karo ma ah in anagoo maanta aan wasiir lahayn oo xildhibaan lahayn oo Agaasime iyo Wasiir midna lahayn la Yidhaahdo Xubinta kaliya ee Guddida idiinku jirtana waa la beddelayaa.” Ayuu Yidhi Suldaanku.
Sidoo kale waxa uu Suldaanku u soo jeediyey Madaxda Somaliland inay indhahooda furan oo hoos u eegaan Beelaha Gabooye oo Tirsanaya in wax badani ka maqan yihiin oo xukuumadda iyo Golayaasha kaleba kaga maqan yihiin.
Beelaha Gabooye ayaa in Muddo ahba ka Cabanayey Caddaalad darro ay ka Tirsanayeen Xukuumadda iyo Golayaasha waddanka, waxana haatan buuqa ugu weyni ka Taagan yahay Xubin Beesha ugu jirtey Guddida Caddaalada oo la sheegay in Golaha Baarlamaanku Beddelayaan.
S.D.N