“Annaga waxa nalagu duri jirey xilligii uu madaxweynuhu mucaaridka ahaa, ayaa hadallo nalaga qoray ama qoraallo nalaga sameeyey.madaxweynuhu taas waa diiday inuu .”Axmed-keyse
Hargeysa:Jully,06,2015(SDN/QJ)-Wasiir-ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Axmed Aadan Ismaaciil(axmed-keyse), ayaa ka Hadlay xilalka dhawaan loo magacaabay Masuuliyiin uu isagu kamid yahay oo bulshadu qaarkood saluug adag ka muujisay.
Wasiir Keyse oo ka hadlay madal uu xilka kula wareegayey habeenkii xalay, ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu madaxweynuhu xil u dhiibay xilli ay taariikhda ku xardhan tahay mucaaradad aad u adkayd oo uu madaxweyne Siilaanyo kala hortegay xilliyadii uu halganka kursi raadiska ku jirey.
Axmed-keyse waxa uu madaxweynaha uga mahadnaqay inuu Go’aan ku gaadhay inuu xilal u dhiibo isaga iyo Wakiilka Somaliland u fadhiyi doona dalka Chine oo isaga laftiisu si weyn madaxweyne Siilaanyo uga soo horjeedi jirey,
“waxan madaxweynaha ku bogaadinayaa dhiirranida uu ku dhiirraday iyo Go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay isagoo ka faa’iidsaysanaya Awooddiisa Distooriga ah inuu xilal noo magacaabo aniga, Mingiste iyo Baashe-ba.” Ayuu yidhi Axmed-keyse.
Mar uu ka Hadlayey sidii adkayd ee isaga iyo saaxiibkii ay siyaasadda madaxweyne Siilaanyo uga soo horjeedi jireen, ayuu tilmaamay inaanay taasi ka hor istaagaynin xaqooda distooriga ah, waxana uu si weyn u duray dad uu ku sheegay xaasidiin, waxana uu yidhi,
“Annaga waxa nalagu duri jirey xilligii uu madaxweynuhu mucaaridka ahaa, ayaa hadallo nalaga qoray ama qoraallo nalaga sameeyey.madaxweynuhu taas waa diiday inuu xaqayaga distooriga ah ku duudsiyo waanu na magacaabay, dhegna jalaq umuu siinin boos-ku-xaasidka iyo siyaasad ku-xaasidka in badan aniga iyo cabdirisaaq mingiste na duraayey.”
Waxa kale oo uu Axmed-keyse ka Hadlay magacaabista Wiil uu madaxweyne Siilaanyo Soddog u yahay uu dhawaan madaxweynuhu xil ugu magacaabay si lama filaan ah, waxana uu yidhi,
“Madaxweynaha waxan ku hambalyeynayaa muwaadinkaas Baashe Cawil inaanu xaqiisa ku duudsiyin xigto ama xigaal baad tihiin, ama gacal baad tihiin.”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com