Ankara: Qarax lala eegtay Dhismaha Safaaradda Turkiga ee Maraykanka iyo khasaaraha ka dhashay
Ankara 01, February 2013 (SDN/AP)- Qof is-miidaamiye ah oo isku soo rakibay walxaha qarxa, ayaa Jimcaha maanta ku qarxay iridka hore ee Safaaradda Maraykanku ku leeyahay caasimadda Turkiga ee Ankara.
Siday masuuliyiintu sheegeen, qofka ismiidaamiyay waxa uu naftiisa iyo qof gaadh ah ku dilay albaabka laga galo dayrka ama ganjeelka dhismaha Safaaradda ee Ankara, siday ku warantay AP.
Danjiraha Maraykanka ee dalka Turkiga, Amb. Francis Ricciardione waxa uu suxufiyiinta u sheegay in qaraxu uu sidoo kale dhaawacay qof muwaadin ah, kaasoo caasimadda dalkaas ka dhacay 1:15 p.m.
Ma jirto sheegasho degdeg ah oo ku saabsan masuuliyada qaraxaas, laakiin kooxaha Kurdiyiinta ee mucaaradka iyo maleeshiyaadka Islaamiyiinta ahi waxay si xooggan uga jiraan gudaha Turkiga.
Qaraxu waxa uu ka kacay gudaha meel bar-kaantarool oo dhinaca amniga ah oo dhinaca ku haysa kadinta laga galo Safaaradda, laakiin waxyeelo muu gaadhsiin gudaha dhismaha Safaaradda.
Muuqaal Telefishan laga baahiyay, wuxuu muujiyay in qaraxu gooyay albaabka Safaaradda, iyadoo sidoo kale uu daaqado ganacsi oo u dhawaa ay burburisay awoodda qaraxaasi.
Saxafi AP ka tirsani waxa uu arkay gabadh haweenay u muuqatay inay si xun u dhaawacantay, laguna siday baabuurka gargaarka Caafimaadka ee Ambulance ka loo yaqaan, laakiin masuul Cusbataal wuxuu sheegay in aanay gabadhaasi xaalad xun ku jirin.
Dhismaha Safaaraddu waa mid aad loo ilaaliyay, wuxuuna ku yaalaa goob ay ku dhow yihiin dhawr safaaraddood oo kale, oo ay ku jiraan kuwa Jarmalka iyo Faransiiska ee Turkiga.
Qurbejoog.com, Ankara