“Anigu Waxaan ku Talin lahaa In La Hakiyo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia” C.laahi Geel Jire
Hargeysa 08.March 2015 (SDN/QJ) Wasiirkii hore wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada Somaliland Md:Cabdilaahi Jaamac Cismaan ( Geel-Jire), ayaa soo jeediyey in la joojiyo wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya inta ay soo dhex-galayso beesha caalamku oo la helaayo dawlado si dhex ah u dhagaysta dooda labada dhinac, waxaana uu taa badelkeeda sida oo kale uu soo jeediyey in mudada ha’kadka ay ku jiraan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya si xooga loo dhiso ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland, la korna loo qaado siyaasada arrimaha dibada gaar ahaan wadamada jaarka ee Itoobiya iyo Jabuuti, sida oo kalena laga shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa adkaynta midnimada Somaliland.
Md:Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geel-Jire), ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay .”Si wanaagsan ayey inoogu dhacday go’aanka ay qaateen waftiga xukuumada matalayey ee uga qayb galay wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya, dad weynahuna aad ayey u soo dhaweeyeen, sida aad la wada socoteena si wanaagsan ayey inoogu dhacday. Hadaba su’aasha muhiimka ahi waxaa ay tahay halkee ayeynu uga sii dhaqaaqaynaa?. Aniga waxaa ay ila tahay ka qayb galka wada-hadaladii fool ka foolka ahaa waa in la hakiyaa inta ay ina soo dhex galayso beesha caalamku, waxaa inoo muuqda in dadkii Somaliya ee aynu la hadli lahayn in aanay diyaar u ahayn in aynu wanaaga iyo wada-hadalka sii wadno waayo halka ay ka qabteen ayaad ka arkaysaa, waxaad arkaysaa in nimanka la inoo soo diray ahaayeen dad inaga dambiilayaal inoo qoran, oo marka horena aynaan diran oo magaca Somaliland ku tagay. Markaa quudhsiga iyo ciyaarta ay ku jiraan halkaas ayaad ka arkaysaa oo hore ayaaba loo yidhi Ciyaalna waa ku ciyaar, Mulucna waa ku nafbax oo waad aragtaan imika halka ay wax marayaan.”.Ayuu yidhi Md:Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geel-jire).
Md:Cabdilaahi Geel-jire oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Anigana waxaa ay illa tahay in aynu dhawr arrimood samayno hada waxii ka danbeeya Kow awoodeena in aynu galino midnimada dalkeena iyo bulshadeena ee gobalada ah, waa in aynu joojino waxii aan ahayn baarnaamijyada horumarineed ee xaga caafimaadka, Tacliin iyo sida oo kale toos ula xidhiidha dhaqaalaha sida xanaanada oo kale in aynu yarayno oo aynu ku jeesano korodhsiimada dhismaha ciidanka qaranka oo keenan imika jira ee aadka u fiican mid ka sii fiican, oo ka xoog badan si aynu u difaacno qaranimadeena marka aad eegto sida ay u dhaqmayso Soomaaliya, waxa weeyaan marka aynu intaas samayno, waxaa kale oo ila muhiim ah siyaasada dibada in aynu xoojino iyo xidhiidhka wanaagsan ee aynu la leenahay dawladaha Ruushka siib gaar ahaan Itoobiya iyo Jabuuti oo halka hada uu maraayo aynu ka sii wanaajino, imikaba Soomaaliya markay cagaha isku yara taageen oo iyaga oo waliba aan saani isu taagin oo aan socod baran aad arkayso sida ay u dhaqmayaan Somaliya, waxaad arkaysaa in ay iskugu keen hadhsan tahay oo qudha in aynu mar danbe is waajahno ayaan anigu shakhsiyan filayaa.”.
Ugu danbayntiina wasiirkii hore ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Md:Cabdilaahi Jaamac Jaamac (Geel-jire), waxaa uu ugu baaqay shacbiga reer Somaliland inay illaa shadaan midnimadooda sida oo kalena ay ka feejignaadaan waxii khalkhal ku keeni kara qaranka jamhuuriyada Somaliland.
“Waan ogahay oo runtii hada wakhti siyaasadeed ayeynu ku jirnaa oo dad badan waxay u qaadan doonaan dhawaaqyada arrimaha doorashada la xidhiidha ee ay iswaydaarsanayaan mucaaradku ay dad badan oo dibada jooga u qaadan doonaan in aynu is khilaafsanahay iyadana waxba kama jiraan oo horeba doorashooyin waa aynu u soo marnay arrimo siyaasadeed waligeed ayaa loo dhagtaagi jiray gudo iyo dibadba, laakiin waa in aynu isku duubnaana bulshadeena iyo xisbiyadeena qaranba oo aynu mid noqonaa si aynu u waajahno. in aynu qaranimadeena illaashana waa muhiim oo aanay buuqa siyaasadeed oo aanay buuqa siyaasadeed inaga raacin, waa in aynu mar walba feejignaana oo sidii aynu awalba u feejignaan jirnay aynu u feejignaana.”Ayuu yidhi Md:Cabdilaahi Geel-jire.