“Anigu Raysal-Wasaare Ma ihi, Madaxweynuhuna Iima Magacaabin Sharcigana Kuma Jirto”, Wasiir Xirsi
Hargeysa:Sep,11,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Hadal kasoo yeedhay Madaweynaha Somaliland oo u ukaa inuu yahay Wasiirka Wasiirrada, kaas oo mucaaridkuna si weyn uga Hadleen.
Wasiir Xirsi ayaa sheegay inaanu Sharciga waddanka jira iyo Distoorka midna u oggolayn inuu noqdo Ra’isal wasaare, waxana uu sheegay in Hadalkii madaxweynaha si kale loo turjuntay.
Wasiir Xirsi oo xalay Bogga uu Facebook-ga ku leeyahay Arrintan kaga jawaabay, ayaa tilmaamay in kaliya sababta arrintaas loo Buunbuuninayaa ay tahay inuu Madaxweynaha Reerkiisa kasoo jeedo.
Hadalka Wasiir Xirsi ku Beeniyey Inaanu ahayn Ra’isal wasaaraha ayaa u dhignaa sidatan.
“Hadii Qoladii mucaaradka ahayd jahadii ka luntay oo ay waayeen wax ay dadka u sheegaan waxaan leeyahay siyaasad noqonmayso hebal baa caynkaa yidhi iyo hadalka madaxweynaha turjumada khaldan aad ka samaysaan.
Waxay ahayd madashii loo dhamaa ee lagu marti qaaday Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanu ahayn 4 xubnood oo wasiiro ah, waxaana dhinaca Madaxweynaha noogu xigay Cali Warancade hadalkana isagaa noogu horeeyey, markii uu madaxweynuhu qaatay hadalka wuxuu ku hadal qabsaday Warancade oo yidhi “Sidaa Wasiirku yidhi, kadibna raaciyey wasaradu isagoo uga gol le in laba wasiir goobta ka hadleen
Balse ninka shaydaan qaato beentana sheegayaa xaqiiqada uma baahdo ee wuxuu yidhaahdaa wixii uu doono,
” فأن لم تستحي فأصنع ماشئت ”
Waxaa muuqata in hadalkii inta laga dhex-saaray intii isku xidhaysay
in laga dhigay Been cad oo odhanaysa “Wasiirka Wasiirada” Bal waxaad eegtaa waxaa meesha Fadhiyey Afar Wasiir ee maxaa Xirsi Gaar u tilmaamay? Dee kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin iyo wax aan macno wayn lahayn.!!
Gabagabadii waxaan leeyahay Axsaabta Mucaaradka: Aynu ku tartano waxqabad dalkuna doorasho ayuu galayaa ee u soo diyaar garooba hana carqaladaynina.!”
Wa Bilaahi Tawfiiq.
SDN/QJ