“Anigu qaab qaran baan u hadlay, Laakiin in la reereeyo oo wasiirradu ay reeraha dhaqdhaqaajiyaan oo si beelaysan la iskugu jawaabo ma aha….”Siciid Sulub
Hargeysa:Nov,07,2014(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa jawaab cad ka Bixiyey Hadallo uu hore ugu duray Wasiirka Duulista somaliland oo Madax-dhaqameed warbaahints Dawladda soo dhexmaray si kale u turjumeen.
Siciid Sulub oo Haatan xubin muhiim ah ka ah Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in hadalkiisu aanu ahayn mid naxli iyo dhibaato lahaa, isla-markaana istaahila iyo odayaashii dhaqanku jawaabtiisa warbaahinta usoo fadhiistaan, iyagoo waliba reeraynaya.
Siciid Sulub Maxamed waxa uu tilmaamay inuu hannaan qaran oo qabyaallada iyo deegaamaysiga ka fog u hadlay, isla-markaana aanu hadalkiisa u dhigin si reeraysan, balse wasiirku arrinta soo beeleeyey,
“Anigu qaab qaran baan u hadlay, wasiir qaran baan la Hadlay, wasaarad qaran baan la Hadlay, sidaasaana anigana la iila Hadlay, in la reereeyo oo wasiirradu ay reeraha dhaqdhaqaajiyaan oo si beelaysan la iskugu jawaabo ma aha dhaqan wanaagsan, annaguna waanu ka hortagnay ciddii kale ee jawaabi lahayd”ayuu yidhi Siciid Sulub.
Waxa uu sheegay in shacabka Koonfurta Magaalada Hargeysa oo ah Goobta ay odayaasha Hadlay kasoo jeedaan, isla-markaana laga dhisay Dhismaha wasaaradda Duulista aanay jirin cid isaga ka sheegan karta ama uga dhawi, waxana uu xusay in xumaantoodu isaga dhibayso, waxana uu yidhi,
“Koonfurta Hargeysana aniga iyo afhayeenka Xisbiga oo igarab fadhiya in nalala leeyahay mooyaane cidi nagama laha, xumaanta la xumeeyaana waa xumaantayada, xisbigu haddii uu talada yimaado wax la arkoo ayuu meel walba ka dhisi doonaa.”
Siciid waxa uu sheegay in fiicnaan lahayd haddii ay odayaasha dhaqanku arrintaas soo dhexgaleen inay naxliga ka saaraan oo aanay soo qaadan aragtida wasiirka Duulista oo ah shakhsiga shaqadiisa marka hore la duray,
“Hadal laba nin oo wasiir hore iyo wasiir dambe aanu ku wada Hadlaynay ayey ahayd, in nala soo kala dhexgalo oo waliba dhaqankii xagayga xigay nasoo kala dhexgalaan may ahayn laakiin haddii uu cawday wasiirkii kale oo aad u aragteen inuu masalahana joogo oo istidhaahdeen u hiiliya waxba kama qabo laakiin wax run ah baa lagu hiiliyaa oo aan dadka naxli kala gelinayn.” Ayuu yidhi Siciid Sullub Maxamed.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com