“Anigu maalintaan Doonayo inaanu dagaalano Puntland, maba tageen taleex, Garoowe ayuun baan Sida Yuhuudda Fadhiisan lahaa 12-saacadodna. Naguma……” Faysal Cali Waraabe.
Helisinki:May, 25,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali waraabe, ayaa ka Hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Shirarkii Somalia iyo Somaliland u dhexeeyey iyo Waliba Khilaafka dhinaca Xuduudda ah ee dhanka Maamulka Puntland kala dhexeeya Somaliland.
Guddoomiye Faysal oo u warramayey Warbaahin laga leeyahay Koonfurta Somalia, ayaa sheegay inaanay Somaliland inta doorashada ka Hadhsan fadhiisan doonin shirka kala dhexeeya dhiggeeda Somalia, waxana uu weeraray Dawladda Federalka ah ee uu hoggaamiyo Xasan sheikh oo ku tilmaamay mid aan u qalmin in lala fadhiisto,
“Dawladda Somalia waanu la fadhiisanay, Haddana dib ula fadhiisan mayno ilaa iyo aanu doorashada kasoo baxno, laba wax baa laga hadlay oo inaanu sidii lixdankii laba waddan u wada Hadalno way ka soo baxeen, in qolo kastaa waxeeda ay gaar u qaadatana way ka soo baxeen, arrimahaasina way fiican yihiin, laakiin iyagii baan jirine yaanu kala shaqaynaa, cidda aanu la shaqayn karna ee aanu xuduudda wada leenahay waa Puntland, xasanna marka iyo kismaayo ayaanu la shaqayn karayn magaalada muqdishoan degmooyinkeeda ma tego karo makraasuu leeyahay waxan la hadlay Taleex.” Ayuu yidhi Faysal cali waraabe.
Mudane Faysal waxa uu sidoo kale meesha ka saaray Magaca Cayn oo ay ina badan Puntland ku magacawdo Deegaanada ku Hareeraysan Gobolka Buuhoodle oo ay sheegato, waxana uu yidhi,
“Wax cayn la yidhaahhdaa ma jirtee caynabaa jirta, reer Somaliland-na way isyaqaaniin ninkastana meeshiisa waa lagu ixtiraamaa, laakiin Maamka afweyne samaystay lanagu xukumi maayo, marka reer Garowe wardheer kusoo darsado majeerteen Baa Dega oo way iska xigaan dhulbahante’e ee uu xadkaa Ethiopia Beddelo ayuu xadka Somaliland-na Beddeli karaa.”
Waxa uu Guddoomiye Faysal farriin cad u diray Maamulka Puntland, isagoo tilmaamay in somalida taariikhdooda sii fiican loo wada yaqaano marka ay timaaddo arrinta dagaalku, waxana uu yidhi,
“annagu ma nihin dad loo faanfaano oo loo Hanjabo waxbaanu iska celinaa, dadkana ma doon-doonano, taariikhdana waanu is naqaanaa Dawldanimaana nalagu dilay Berigii Somalia laakiim markay noqoto Reer-reer Nalaguma kaftamo.”
Faysal Cali Waraabe mar u La Hadlayey Maamulka Puntland, waxa uu xusay in Haddii uu Maanta Madaxweyne dalka ka noqon lahaa marka uu u hollodo Dagaal uu Puntland la Galo uu si toos ah u tegi lahaa Caasimadda Garowe,
“Anigu maalintaan Doonayo inaanu dagaalano Puntland, maba tageen taleex, laasqorayna ma tageene Garoowe ayuun baan tegi lahaa 12-saacadodna naguma qaadanayso’e inaanay nagu qaadanayne sida Yuhuudda ayuun baanu Garowe fadhiisan lahayn.”
Guddoomiye Faysal oo caan ku ah ku-dhegenaanta Somaliland-nimada ayaa ugu baaqay maamulka puntland inay ka waantoobaan durbaanada colaadeed ee ay garaacayaan, isagoo u soo jeediyey inay Nabadda iyo derisnimada ka wada shaqeeyaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com