“Anigu Haatan waxa Joogaa Meel Taleex ku Dhaw Magaaladana waxa Haysta Ciidamo Dadkii Guryaha kala Baxaya oo……..” Madaxweyne Indha-sheel
Taleex:30-Nov-2013(SDN)-Maxamed jaamac indha-sheel ayaa markii ugu horraysay si toos ah uga hadlay dagaalkii ayaamahanba ka socday magaalada Qadiimiga ah ee Taleex.
Madaxweyne Indho-sheel oo habeenkii xalay u warramayey Telefishanka Somsat, ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha uu keenay dagaalkii dhawaan deegaanka ka dhacay ee u dhexeeyey Puntland iyo ciidamo khaatumo ka soo jeeda.
Madaxweynaha ayaa ugu horrayn ka hadlay waxa uu u nisbaynayo in xilligan dagaal dhaco, “Sababta keentay dagaalku waa inay doonayaan inay xoog ku haystaan, anagu waxan doonaynay inaanu tagno magaalo madaxdayada Khaatumo, duullaanna ma aanu ahayn Magaaladuna may ahayn, sifo sharci ahna meesha ayaanu shir ugu qabsanaynay. “ ayuu yidhi Indha-dheel.
Sidoo kale waxa uu farta ku fiiqay khasaaraha deegaankaas ka dhacay inta uu ka ogyahay, waxana uu yidhi, “ meesha khasaare shacabka soo gaadhay oo badan baa jira, aniguna inta ogaalkayga ah ma garan karo khasaaraha rasmiga ah ee soo gaadhay ciidanka dhinaca kale ka soo jeeda.”
Indha-sheel oo la weydiiyey cidda haatan gacanta ku haysa magaalada Taleex oo uu sheegto inay maamulkiisa caasimad u tahay, ayaa sheegay inuu haatan ku sugan yahay meel ka fogayn Magaaladaas, waxana uu tilmaamay inay ciddanka meesha qabsaday dhibaato u geytseen shacabkii, waxana uu yidhi, “Hadda magaalada waxa gacanta ku haya Ciidankii kusoo Duulay oo saacaddan aynu wada Hadlayno dadkii guryaha kala baxaya, anigu waxan joogaa agagaarka Magaalada Taleex”
Mar wax laga weydiiyey sababta keentay inay ka baxaan Maamulka Puntland oo ay markii horre ka mid ahaayeen Beelihii wax ka aasaasay, ayuu yidhi, “Markii dadka reer khaatumo ay wax is weydiiyeen waxa soo baxay in dalkoodii la qaybsaday, deegaankodiina uu noqoday midka soomaalida ugu Nolosha iyo Horumarka liita, sidaas darteed waxanu isla qaadanay inaanu aayahayaga dib uga tashano.”
Ugu dambeyntii indha-sheel ayaa farriin u diray Dawladda Federalka ah, waxana uu yidhi, “ Dawladda Federalka ahna waxan odhan lahaa waxa Somaliland nagu laynaysaa ee nagu xasuuqaysaa waa maxaad soomaali nimada u raadinaysaane waa inay haatanna ka hadlaan dhibaatada ay shacabkayaga ku hayaan Maamulka Puntland”
S.D.N