|

“Aniga iyo Golaha Wakiiladuba waxaanu diyaar u nahay in marka Xukuumadu ay qabato Doorasho Golaha Wakiilada ah in aanu amaanadii aanu shacbiga u soo celino” Gudoomiye Cirro

Hargaysa 03.Aug 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa ka hadlay inay Gole Wakiilo ahaan amaanadii ay ummada u hayeen dib ugu soo celiyaan kadib markii ay Mudo ka badan intii Shacabku doortay ay ku sii nagaadeen Kuraasta Wakiilada.

cirroGudoomiyaha ayaa Waxa uu ka hadlay Sida ay daruuriga u tahay in loo sameeyo diiwaangelintii Codbixiyeyaasha iyo Sidii aragti midaysan looga qaadan lahaa Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Waxaanu mar kale ku celiyay inaanay Mudo Kordhin loo sameeyo Madaxweynuhu ahayn wax la aqbali karo .

Waxaa kale oo Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro uu ka hadlay Laba Qodob oo ilaa iminka qabyo ah la’aantoodna aanay doorasho hirgalayn,Isagoo Sidaa ku faafiyay Barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka dadweynaha ee Face Book  oo aanu Qoraalkiisan ka soo Xiganay kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa Sidan:-

Maanta wax qudha ayaa la sugayaa,waxaa la sugayaana waxa weeye, Xukuumada oo lays waydiinayo goor may qabanaysaa Doorashadii,waxaan ka warqabnaa sida Xeerku uu tilmaamayo Doorashada waxaa ka horaynaysa Diiwaan galin, diiwaan galintu waxaa la diiwaan galinayaa dadka codaynaya ee qaan gaadhka ah ee reer ‪Somaliland ah. Arrintaasi meel wanaagsan ayaa ay soo gaadhay, waa laga wada shaqeeyey laakiin Laba arrimood ayaa wali ka qabyo ah.

Ta Koowaad waa ansixinta waxkabadalka iyo kaabista Xeerka Diiwaan galinta oo barigii hore Diiwaan galinta la sameeyey waxaa lagu sameeyey faraha laakiin maanta waxaa lagu daray Indhaha markaa xeekaasi Xukuumada ayaa uu horyaala,waxaana laga sugayaa Xukumada Xeerkaasi si ay u bilaabanto wakhtigii loogu tala galay diiwaan galinta ee ahaa bisha 9-aad xeerka haddii ay golaha u soo gudbiso si dhakhso ahna haddii ilaahay ka dhigo uu golahuna waa jibkiisii ka guto.

Arrinta kale waxa weeye ee ka qabyada ahi ee mujtamaca dawliga ahina inaga sugaayo arrinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka,haddii Komishankan jooga loo kordhinaayo muddadiisa iyo haddii kale oo talo kale oo midaysan oo lagu midaysan yahay la qaadanayaba taana waxaa laga rabaa in ay Xukuumadu ay soo bandhigto.Waxaa aduunkuna rajaynayaa shacbiguna rajaynayaa in diiwaan galintu wakhtigeedii ay ku bilaabanto oo aan wax dib u dhac ahi ku imanin.

Muddo kordhinta shacbiguna ma ogala Caalamkuna ma ogala,waxaa la doonayaa in doorashadu ay wakhtigeedii ay ku dhacdo,

muddo kordhinba la sheegayey laga hadlay: xilka qabashada Doorashada Golaha Wakiilada ha noqoto ama Gole kale ha noqoto Xukuumada ayaa uu saaran yahay Waajibkaasi. Aniga iyo Golaha Wakiiladuba waxaanu diyaar u nahay in marka Xukuumadu ay qabato Doorasho Golaha Wakiilada ah in aanu amaanadii aanu shacbiga u soo celino laakiin su’aashu waxa weeye goorma ayaa ay qabanaysaa Doorashada?.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed