“Anagu Ma Ogolin In Madaxweynahayaga La Aflagaadeeyo, Mana Jeclin In Madaxweyne Siilaanyo Iyo Oridiisa La Aflagaadeeyo” Safiirka Somaliland ee Jabuuti DAAWO
Hargaysa 29.May 2016 (SDN/QJ):-Safiirka dawlada Jabuuti u fadhiya Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti xili muddooyinkan ay dood ka taagnayd hab maamuuskii loo qaabiley madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo markii uu ka qayb galayay xafladii caleemo saarka madaxweyne Geele horaantii bishan.
Ambassador Xuseen Cumar Kawaaliye oo waraysi gaar ah siiyay wariyaha VOA ayaa sheegay in aanu ogolayn in la aflagaadeeyo madaxweynihiisa, isla markaana ay arintan ka wadahaleen wasaarada arimaha dibada Somaliland.
Ugu horaynba waxa uu ambbassdor Xuseen kawaaliye ka hadlayaa kulan ay jaaliyadaha jibouti ee qaar ka mid ah dalalka dibadu ay isugu yimaadeen magaalada Hargeysa.
Isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Kulankan ujeedadiisu waxay ahayd, kulan aanu ku taageerayno Madaxweynahayagga Ismaaciil Cumar Geelle, markii loo caleemosaaray madaxtinimadda Jabuuti oo uu ku guulaysatay doorashadda dalka si xor ah.”Ayuu yidhi Kawaaliye
Sidoo kale, Safiirku wuxuu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti “Xidhiidhka jabuuti iyo Somaliland waa mid qoto dheer, waa mid walaaltinimo, waddashaqayni ka dhexayso, qadarin ka dhexayso oo is wanaagsan u waddashaqeeya oo aan maanta bilaaban oo horre u bilowday oo taariikhiya.”ayuu yidhi Kawaaliye.
Dhinaca kale, safiir Kawaaliye wuxuu ka hadlay qaabkii loo soo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.“Horta Somaliland waa dad walaalahayagga ah, waa dad aanu isku diin, isku dhaqan nahay oo aanan kala maari karin, anagu sidii ugu wanaagsanayd baanu u soo dhawaynay ee madaxda kaleba loo soo dhaweeyay ayaa loo soo dhaweeyay. Laakiin nasiib xumo waxa dhacday inay dadka qaarkood madaxweynahayaga aflaagaado u gaysteen, anigu waxaan odhan lahaa siyaasadda waxa lagu xaliyaa dublamaasiyad iyo waddahadal, laakiin telefishinadda iyo faceboogyadda anagu ma ogolin. Madaxweynahaygu waa madaxweynihii reer Jabuuti anagu ma ogolin aflagaadadiisa, waayo anigu ma jecelin in la aflagaadeeyo Madaxweynaha Somaliland iyo Oridiisa, waayo damiirkayagu nama siinayo.Anagu waanu ka waddahadalay wasaaradda arrimaha dibadda cilaaqaadka labadda dawladood, oo waxaanu idhi waxaanu ku dhamaynaynaa in si dublamasiyadeed wixii jiraba loo xaliyo, wasiirkana si fiican baanu isku afgaranay, inay wixii dhacay ka xun yihiin.
Safiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay shirkadda DP WORLD ee maalgalinta ku samaynaysa dekeda Berbera“Anigu horta taa waxaan u arkaa waddan walba wuu madax bannaan yahay qorshihiisa, horumarkiisa isagaa ka tashadda. Anaga taasi nama khusayso haddii ay meesha ay doonaan tagaan, wixii iyaga u dan ah iyaga garanaya. Laakiin anagu taa waxaanu u arkaynaa inay iyagu horumarkoodii iska wataan.”ayuu Kawaaliye.