|

Ammaanka Burco Oo Si Weyn Loo Adkeeyey, Mudaharaaddo Laga Cabsi Qabo Inay Maanta Dhacaan Iyo RRU-da Oo Bannaanka Loo Soo Saaray

Burco:04-Jan-2014(SDN)-Waxa Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ilaa iyo xalay ka socday Dhaqdhaqaaqyo lagu abaabulayo mudaharaaddo lagaga soo horjeedo xadhiga Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir oo xukuumaddu xabsiga u taxaabtay.

 

xidhaynnShacabweynaha magaalada Burco, ayaa ku hawllanaa sidii ay uga qayb noqon lahaayeen mudaharaadkaas ay kaga soo horjeedaan Xadhiga Guuleed Daahir oo Ciidanka RRU-du aqalkiisa kala baxeen, iyadoo aan wali si hufan loo fahmin sababta keentay xadhigiisa.

Shalay oo jimce ahayd ayey in badan dadku isku dayeen inay mudaharaadaan, balse waxa  taas si weyn ula dagaalamay ciidanka Ammaanka oo ka hor istaagay inay shacabka dariiqyada u soo baxaan.

Wararka ay helayso shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in odayaal, cuqaal, waxgarad iyo shacab badani illaa iyo xalay kulamo kala duwan oo lagaga arrinsanayo hannaankii dareenkooda ay u muujin lahaayeen ku lahaayeen meelo kala duwan oo magaalada ka tirsan.

Ciidanka ammaanka oo si dhaw ula socda dhaqdhaqaaqa dadkan, ayaa iyagu ku soo badanaya dariiqyada waaweyn ee magaalada, waxana ay ku sugan yihiin meelaha ay inta badan dadku iskugu yimaadaan, iyadoo waddooyinka iyo suuqyadaba ay si weyn u dhooban yihiin ciidanka sida gaarka ah u tababar ee RRU-da loo yaqaanaa.

Shacabka magaalada ayaa iyaga ay ka go’an tahay inay dareenkooda muujiyaan, waxase xukuumaddu qoondaysay inaanay magaalada wax mudaharaad ahi ka dhicin, maadaama  toddobaadyo ka hor isu soo baxyo dhacay ay keeneen dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiye ku xigeenkan la xidhay, ayaa lagu eedaynayaa inuu masuul ka ahaa isu soo baxyadaas magaalad dhawaan ka dhacay, waxana uu haatan gacanta ugu jiraa xukuumadda oo aan wali wax jawaab ah ka bixinin sababta xadhigiisa.

Waxa jira warar muuqda oo haatan ka taagan magaalada, iyadoo shacabku ka baqayaan in mudaharaadkaasi uu keeno dhibaato iyo isku dhac dadka iyo ciidanka dhexdiisa ah.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed