Amisom Oo Xalay Qaraxyo Lagula Eegtay Dhoobley iyo Dagaal Halkaasi Ka Dhacay
Dhoobley:21-April-2014(SDN/QJ)-Wararka Saaka ka imanaya Deegaanka Dhoobley ee gobalka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas xalay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxa uu ka bilaawday ka dib markii ciidamada Amisom gaadhi ay wateen lagu qarxiyay duleedka Dhuubley halkaasna uu ka bilaawday dagaal laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus iyo mararka qaar la maqlayay Madaafiicda goobta oo ay isku adeegsanayeen labada ciidan iyadoo mudo daqiiqado ah uu dagaalka socday.
Illaa iyo hadda lama oga khsaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay degmada Dhuubley ee gobalka Jibbada Hoose ,balse waxaa degan xaalada saakay iyadoo halkii lagu dagaalay ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.
S.D.N/QJ.