AMISOM oo Soo Dhaweysay Dhaarinta Madaxweynaha Kumeel Gaarka ah ee Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya
BAYDHABO Dec 4, 2014(SDN/QJ) – Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Midowga Afrika Uqaabilsan Soomaaliya, Danjire Maman S. Sidikou ayaa maanta kaga qeyb galay magaalada Baydhabo ee Soomaaliya dhaarinta Madaxweynaha Kumeel gaarka ah ee Maamulka Konfur Galbeed, Sharif Xassan Sheikh Aden.
Maamulka Kumeel Gaarka ee Konfur Galbeed ayay hoos imaanayaan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose. Sameynta Maamulka Kumeel Gaarka ee Konfur Galbeed ayaa qeyb ka ah geedi socodka la wado ee lagu hirgelinayo qaabka Federalka si waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya.Isagoo ka hadlayay xafladii caleema saarka, ayuu yiri Danjire Sidikou:
“Midowga Afrika iyo runtii shucuubta Afrika dhamaantood ee laasimka kaga dhigay wiilashooda iyo gabdhahooda inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed sidii ay ugu raaxeysan lahaayeen nabad una suura gelin lahaayeen xaqa ay u leeyihiin nolol, way sii wadi doonaan inay ku taageeraan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dalkooda booskiisii lagu faani jiray iyo sharaftiisiiba.
”Waxaa kale oo uu yiri xaqiijinta dowladda cusub iyo sidoo kale maamulkeeda kumeel gaarka ah ayaan aheyn oo kaliya guul u soo hoyatay shacabka sadexda gobol laakiinse ah udub dhexaad ay qotomisay Dowladda Federal-ka ah, dadaalkeeda ay ku xaqiijineyso ujeedooyinka aragtida sanadka 2016.Markii uu uga mahad celinayay Madaxweyne Xassan Sheikh Moxamud taageeradiisa geedi socodkan.
Danjire Sidikou wuxuu ku dhiiri geliyay Madaxweynaha Maamulka Komeel Gaarka ee Konfur Galbeed Sharif Xassan Sheikh Aden inuu sii wado geedi socodka dib u heshiisiinta, si uu aasaas adag ugu dhigo dhisida nabad waarta iyo horumarka dowladda. Wuxuu ku booriyay Madaxweynaha Maamulka Komeel Gaarka ee Konfur Galbeed inuusan balan fur ku sameynin kalsoonida ay shacabkiisu dusha u saareen.Xaflada caleema saarka waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Xassan Sheikh Moxamuud.
Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya, Cabdi Qaybdiid-ka Dowladda Galmudug, Cabdulkadir Maxamuud Yuusuf Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Kumeel Gaarka Jubba iyo sidoo kale wafdi ka socday Puntland. Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Uqaabilsan Soomaaliya iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub iyo Wakiilka IGAD iyo sidoo kale Danjireyaasha Ethiopia, Germany, Sweden iyo Turkey ayaa dhamaanba ahaa goob joog.Baydhabo waa Xarunta Aaga 3aad ee ay ka howl gasho AMISOM kaasoo ay masuul ka tahay Guutada Ethiopia. Guutada Ethiopia ee hoos imaato AMISOM ayaa suura gelisay taageeradii loogu baahnaa xaqiijinta geedi socodka, siina wadi doonto caawinteeda maamulka cusub iyo dowladda u hirgashay shacabka.
SDN/QJ-Baydhabo