|

Amisom oo Sheegtay in Duqayn Cirka ah ay Ku Khaarajiyeen 80 ka Mid ah Kooxda Alshabaab

Muqdisho 23.June 2014 (SDN/QJ)- Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaciyey in inka  80 ka tirsanayd dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay ku dileen duqeyn dhanka cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay ka geysteen deegaannada Kudha iyo Caanoole ee gobolka Jubbada Hoose Axaddii shalay.

Qoraal ay AMISOM soo saartay ayey ku sheegtay in duqeymaha lala beegsaday saldhigyo ay maleeshiyadu ku laheyd deegaannadaas, warku wuxuu intaas ku daray in 30 kamid ah kooxda ay ku dhinteen deegaanka Caanoole, inka badan 50 kalana ay lagu dilay duqeyn ka dhacday Kudha.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in weerarradaas ay u dhaceen sidi loogu talo galay, isaga oo tilmaamay in shaqada ciidamada AMISOM ay tahay in ay soo afjaraan fikirka argagixisada.

Weerarradan ayaa imanaya toddobaad kaddib markii  Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarro ka dhacay deegaanka Mpeketoni ee gobolka xeebta ee dalka Kenya oo lagu dilay 60 qof.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed